Maamulka Jaamacada Hargeysa Oo Fal Waxashnimo Ah Kula Kacay Ardeydii Si Bilaasha Wax Uga Baran Jirtay Jaamacada – Ceebtii Aduunka Ardaydii Oo Loo Ogalaan Waayay Inay Jaamacada Gudaha Ugalaan Yaab.30.03.17

Maamulka Jaamacada Hargeysa Oo Fal Waxashnimo Ah Kula Kacay Ardeydii Si Bilaasha Wax Uga Baran Jirtay Jaamacada – Ceebtii Aduunka Ardaydii Oo Loo Ogalaan Waayay Inay Jaamacada Gudaha Ugalaan Yaab

Maamulka Jaamacada Hargeysa Ayaa Si Haybada Bini,adanimo Iyo Xuquuqda Ardeynimo ka Baxsan Ula Dhaqmay Ardaydii Scholar Shipka Ka Helay Ee Ay Wasaarada Waxbarashu Uqoondaysay Inay Wax ka bartaan Jaamacada Hargeysa Universtiy Oo Ah Jaamac Dawli Ah Islamarkana Muhiimadeedu Tahay Gar gaarida Iyo Garab galida Dadka Aqoonta Wehelka U Ah Ee Aan Awoodin Inay Iska Bixiyaan Lacagaha Tirada Badanb Ee Maamulka Jaamacu Ku Mabeen
Ilo Xogogala Oo Ka Ag Dhaw Jaamacada Hargeysa Ayaa Tibaaxaya In 558 Arday Oo Ka Mida Ardeydii Udhigan Jirtay Sida Bilaashka Ah Ee Kharashaadka Waxbarasho Ay Ka Bixin Jirtay Wasaarada Waxbarashadu Ay Maamulka Cusub Ee Jaamacadu Ka Joojiyeen Casaharadii Una Diideen Inay Fooda Soo Galiyaan Fasalada Jaamaca Waxaana Ardayda Laga Joojiyey Culuumta Waxbarasho 2OO Oo Arday Oo Sanadka Ka Qalin Jabin Lahaa Jaamacada
Arintan Ayaa Noqonaysa Mid Ka Baxsan Qaynuunka Dadnimo Iyo Haykalka MasuuL Waxbarasho
Balse Iskudayo Badan Oo Aanu Doonay Inaanu Kula Xidhiidhno Maamulka Jaamacada Hargeysa Iyo Wasaarada Baxbarashada Ayaan Noo Suurta Galin Saasoo Ay Tahay Saraakiil Ka Tirsan Jaamacada Ayaa Si Hoose Noogu Xaqiijiyey Ayaa Sheegay In Maamulka Jaamacada Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadu Isku Fahmi Waayeen Kulan Todobaadkan Ka Qabsoomay Jaamacada Hargeysa Gudaheeda Kulankaasi Wuxuu Noqday Mid Dhicisoobay Oo Maamulka Jaamacada Iyo Masuulkii Wasaarada Ka Socday Ay Ku Kala kaceen
Arintan Ayaa Noqonaysa Hadan Xal Deg Dega Loo Helin Mid Dib Usoo Celisa Kacdoonadii Ay Ardaydu Samayn Jireen Ee Khal Khal Gainta Ku Abuuri Jirtay Nidamka Waxbarasho Ee Jaamacada Hargeysa1