Wasiir Cadaani Ayaa Ka Danbeeyey In Calanka Kulmiye Oodweyne Lagu Gubo ..” Suldaanka Guud Ee Beelaha Dega Gobalka Daadmadheedh +[ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Suldaanka guud ee beelaha dega gobalka Daadmadhedh suldaan Cabdiraxmaan

Cabdilaahi Awgood oo maanta warbaahinta la hadley waxaa uu ka hadley shidaal baadhista gobalkaasi laga bilaabayo waxaana uu sheegay in dadka deegandaasi ku dhaqani aaney diidaneen shidaal baadhista balse meesha ay ka jirto is faham la,aan iyo maamul xumo

Sidoo kale suldaanka ayaa waxaa uu eedo kulul u jeediyey badhasaabka gobalkaasi oo u sheegay in aanu gobalka waxii ka dhacayaba aanu ka war hayn isla markaana waxuu ku baaqay in gobalkasi gudoomiye dadka kala garanaya oo hawlaha ka dejin kara loo magacaabo

Dhinca kale suldaanka ayaa waxaa uu carabka ku dhuftey in buuqa iyo is faham la,aanta gobalkaasi ka taagan uu kow ka yahay wasiirka warfaafintu Mr Cadaani isla markaana uu dadkii gobalka u noola u hanjabey oo uu af lagaadeeyey

Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in wasiir Cadaani isagu ka danbeyey in calanka xisbiga Kulmiye lagu gubo magaalada Oodweyne