Madaxweyne Siilanyo Oo Dhawaan Sameyn Doona Isku Shaandheyn Sal Balaadhan + Magacyada Masuulyiinta Safka Hore Kaga Jira Ee Ay Sameyn Doonto .

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa
la filayaa in uu dhawaan sameyn doono isku shaandheyn sal balaadhan taas oo sameyn doonta masuulyiinta xukuumadiisa qaarkood

tmp_27807-IMG_8F8044-D74568-A16332-BDBE6F-45A387-0AC4DC978262593

Isku Shaandheyntan ayaa waxaa lagu magacaabi doona masuulyiinta olalaha xisbiga Kulmiye gali doonta , maadama oo doorashadii dhaw dahay isla markaana la mudeeyey in ay qabsoono 13.11.2017

Sidoo kale waxaa ay noqon doonta isku shaandheyntani tii ugu danbeysay xukuumada madaxweyne Siilanyo sida la filaayo
Hadaba sida warbaahinta mid ka mid ahi ay sameysay baadhitaano dheeraad ah oo ku saabsan sidii ay wax xog ah uga heli laheyd masuulyiinta la filan karo in ay isku shaandheyntani sameyn ku yeelato

Masuulyiinta ay warbaahintaasi xogaha ay heshay u sheegeen in ay ku jiraan isku shaandheyntaas , balse aan si rasmi ah loo cadeyn kareen ayaa waxaa ay isku jiraan Wasiiro , Wasiir ku xigeeno , Taliyayaal Ciidan iyo Agaasimayaal waxaana ka mid ah

1. Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire — Xil Ka Qaadis
2. Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada Khadra Xaaji Gadhey—- Xil Ka Qaadis
3. Wasiir Diinta Iyo Awqaafta Sh. Khaliil —- Xil Ka Qaadis
4. Badhisaabka Gobalka Maroodi- Jeex Mr Buraale —- Bedelid Gobal Kale
5. Wasiirka Qorsheynta Mr Qabo —- Bedelid Wasaarada Kale
6. Wasiirka Arimaha Gudaha Mr Fartoon — Bedelid Wasaarad Kale
7. Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal — Xil Ka Qaadis Ama Bedelis Ciidan Kale
8. Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan —- Bedelid Wasaarad Kale
9. Wasiir ku xigeenka Maaliyada Cali Dhegoole —- Wasiir Buuxa [ Full Minister ]
10. Wasiirul Dawlaha wasaarada Maliyada — Xil Ka Qaadis
11. Siyaasi Axmed Tiinbaro — Magacaabis Xil Wasiirimo

Dhinca kale waxaa iyaguna jira wasiir iyo masuulyiin kale oo la hadal hayo balse kuwaas oo la magacaabey isku shaandheyntii tan la filaayo ka horeysay balse xoguhu noomey cadeyn cida ay kala yahiin , waxaana la filayaa in isku shaandheyntani soo baxdo sida ugu dhakhsaha badan