MARWO ROODA AXMED YAASIIN OO EEDO U JEEDISAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID FAYSAL CALI WARAABE .31.03.17

DAAWO:-MARWO ROODA AXMED YAASIIN OO EEDO U JEEDISAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID FAYSAL CALI WARAABE .31.03.17
March 31, 2017 Hargaysa (SM) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Saaxil u qaabilsanayd xisbiga mucaaridka ah ee UCID Marwo Rooda Axmed Yaasiin, ayaa dhaliilo culus dusha u saartay guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana ay shaacisay inuu ku dhex asqoobay arrimaha hoose ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa.
Marwo Rooda oo shalay warbaahinta la hadashay, ayaa Faysal ku eedaysay inuu danta guud waxba ka qaban waayey, isla markaana uu faraha kula jiro arrimaha KULMIYE oo uu horeba xubno ay iyadu ku jirtey xilalkii ugaga qaaday, “Faysal-ow adiga oo deegaankaaga ka furfuri kari waayey xoolo naaxintii Qoolcadey ee ay diideen, haddana waadigan weli cararaya ee KULMIYE ka tirsan, annagana xilalkayagii waadigii nagaga qaaday maxaad KULMIYE ula hadasheen,” ayey tidhi Rooda Axmed Yaasiin.
Rooda Axmed Yaasiin waxa ay sheegtay in cidda kaliya ee ay tahay in sharciga lagu qaadaa uu Faysal Cali-waraabe yahay, waxana ay xustay inuu lumiyey kalsoonidii umaddu ku qabtay shakhsiyaddiisa, waxana ay tidhi, “Haddii sharci yimaaddo qofka koowaad ee uu qabanayaa waa Faysal Cali-waraabe, sabab uu murrashax ku noqdaana ma jirto, sabab uu guddoomiye ku noqdaana ma jirto, meheradaas lagugu xannaneeyona dadka haku daandaansanin, aanooyin badan baana kugu maqane dadku cidda aad tahay bay kugu ixtiraamayeene shakhsiyaddaada kugu ilaalin maayaan.”
Marwo Rooda Axmed Yaasiin waxa ay guddoomiye Faysal usoo jeedisay inuu afkiisa ka dhawro ciddaha uu sheegayo inay sharciyadda ku gafeen, waxana ay caddaysay inaanay haboobnayn qof aan sharciga ku dhaqmini inuu cid kale arrimahaas wax kaga sheego.Faysal