Daawo Muuqaal : Awooda Ciidamada Turkiga iyo Wadamada uu Saaxiibka la yahay & kuwa Cadawga ku ah !! .21.04.17

Awooda ciidamada Milatariga dalka Turkiga ayaa sanadahaan dambe noqotay mid aad baaxad weyn waxaana isha ku haya Caalamka oo idil gaar ahaan wadamada tartanka uu kala dhaxeeyo .

Shacabka dalka Turkiga ayaa dhoor jeer la isku dayay in qal qal iyo qalalaase la galiyo si ay meesha uga baxdo awooda cusub ee uu la soo baxayo Milatariga dalka Turkiga oo horumar balaaran gaaray . Qeybaha kala duwan ee ciidamada Milatriga dalka Turkiga gaar ahaan kuwa , Dhulka , Bada iyo Cirka ayaa noqday Askar daacad u ah Qarankooda una soo jeeda difaaca dalkooda .

Turkiga oo si aad ah u caawiyo wadamada dhibaateysan ee Dunida Islaamka sida Somalia IWM , ayaa waxaa la xaqiijiyay in Turkigu uu leeyahay Cadawga ugu badan ee Dal uu yeesho maadaama mar kaste la xaqiro awoodiisa iyo horumarka shacabkiisa .

Salaanmedia/Moqdisho