Qori tuurkii UEFA Champions League oo la sameeyay & qaabka ay iskugu dhaceen afarta kooxood (Daawo Sawirro)

Qadar yar ka hor ayaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa lagu sameeyay Qori tuurkii ama isku aadkii koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League oo ay iskugu soo hareen 4-kooxood .

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid Vs Atletico ayaa qoorta la isku galiyay waxaana sidoo kale isku aaday kooxaha As Monaco Vs Juventus oo kala hogaaminaya horyaalada dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga .

Is araga ama lugta hore ee Semi-fiinaalka koobkaan ayaa waxaa la kala ciyaari doonaa 2-da iyo 3-da bisha dambe ee May , halka is araga Wajiga labaad la kala ciyaari doono 9-ka iyo 10-ka isla bisha dambe ee May .





Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com