Xisbiga WADDANI Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Xisbiga Oo Ku Xidhan Hargeysa Ay Ka Soomeen Cuntadii,Badkana Soo Dhigay Tacadiyada Xukuumaddu Kula Kacdo Saxaafadda

Xisbiga WADDANI Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Xisbiga Oo Ku Xidhan Hargeysa Ay Ka Soomeen Cuntadii,Badkana Soo Dhigay Tacadiyada Xukuumaddu Kula Kacdo Saxaafadda.
Hargeysa(SM)April.23,2017-Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa mar kale si adag uga hadlay xadhiga ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo kula kacday laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga WADDANI,waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba labadaasi Sarkaal ay ka soomeen cuntadii halka mid kamid ah ay ka dayriyeen xaaladiisa caafimaad.
Waxaana masuuliyiintani sheegeen in wax kaste oo kusoo kordha labadaasi sarkaal ay masuuliyadeeda qaadi doonaan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,iyaga oo sidoo kalena badka soo dhigay tacadiyada ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo kula kacdo saxaafadda madaxa banaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.

Salaanmedia/Hargaysa