Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Oo Maanta Hor Tagey Golaha Wakiilada Iyo Ujeedka Uu U Hortagey + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Taliyaha ciidamada asluubta Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun
ayaa waxa uu maanta hor tagey guddi hoosaadka cadaalada iyo arimaha garsoorka ee golaha wakiilada .

Gudida iyo taliyaha ayaa waxaa ay ka wada hadleen qaabkaa loo xanaaneeyo isla markaana loo dhaqo maxaabiista ku kala xidhan jeelasha kala duwan ee Somaliland isla markaanat taliye Xudhuun ayaa waxaa uu gudida siiyey war bixin faahfaahsan oo arimahaas ku saabsan.