Madaxweynaha Somaliya Oo Goor Dhaweyd Gaadhey Magaalada Baydhabo + [ Sawiro ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Baydhabo (Ilays-News):- Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

tmp_30042-IMG_187660-605FF3-ADD6C7-4F070A-E05238-93C4D4-98195280

ayaa waxaa uu goor dhaweyd maanta uu gaadhey magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan

Ujeedada safarkan ayaa ah in Madaxweynaha uu u kuur galo xaaladaha ammaanka iyo nolosha ee Koonfur Galbeed.

Wuxuu haatan Madaxtooyada uu Farmaajo Baydhabo kulamo kula qaadanayaa madaxda maamulka iyo qeybaha kala duwan ee shacabka K/Galbeed.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirro, Wasiir K/Xigeenno, Wasiiru dowlayaal ka tirsan dowladda Federaalka iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal.