SIYAASI AHMED CALI NAAHI OO LOO MAGACAABAY XOGHAYAHA XIDHIIDHKA LAAMAHA DIBADA EE XISBIGA WADDANI.23.04.17

Ahmed Cali Naahi oo hore u ahaa Gudoomiyaha Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani Ayaa loo magacaabay Xoghayaha Xidhiidhka Laamaha Dibada ee Xisbiga Waddani ka dib isku shaandhayn lagu sameeyey Gudiyada iyo Maamulka Sare ee Xisbigu ku leeyahay Qaarada Yurub.

1

Ahmed Cali naahi waxa lagu Magacaabay Digreeto uu ku saxeexan yahay Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Goor dhawayd warbaahinta Soo gaadhay .

Xoghayahan Cusub ee Xidhiidhka laamaha Dibada X. Waddani oo Horey u ahaa Gudoomiyihii Xisbiga ee Qaarada Yurub ayaa Dadaalo badan oo uu sameeyey Mudadii uu xilkaas hore hayey Ku guulaystay inuu intooda badan Dhiso  laamihii Xisbiga Waddani ee Wadamada Qaarada Yurub, waxana lagu xasuustaa Hawl karnimo iyo Dadaal dheeraad ah oo uu muujiyey Mudadii uu Xilkaas hayey.2

Halkan Hoose Ka Akhri Warqada Digteetada ah ee lagu Magacaabay Xoghaye Ahmed Cali Naahi.

Salaanmedia/Hargaysa