Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka Ka Soo Jeeda Beelaha Subeer Awal ee Xisbiga WADDANI oo Muujiyey Cududooda Taageero ee Xisbigaasi+SAWIRO23.04.17

Hargeysa(SM):-Qeybo ka mid ah odeyada, wax-garadka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo weli ba madax-dhaqameedka ka soo jeeda beelaha Subeer Awal ee ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa  kulan ay maanta iskugu yimaadeen ku shaaciyey in ay cudud taageero iyo mid dhaqaale ba ay la garab taagan yihiin Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in uu badbaado qaran u yahay guud ahaan dalka, waxaana ay dhaliilo xooggan ku ganeen Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu qaab reeraysan u wado tartanka siyaasaddeed ee ka dhaxeeya Xisbiyada Somaliland taasi oo dhaawac ku ah bay yidhaahdeen qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland.1

Wax-garadkan iyo siyaasiyiintan oo u badnaa golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta dhaxe ee Xisbiga WADDANI ku lee yahay magaalada Hargeysa, waxaana sida oo kale iftiimiyeen isla mar ahaantaana ay shacabka Somaliland ugu baaqeen in ay taageeraddooda ku soo biiriyaan Xisbiga WADDANI oo ay aad ugu amaaneen in uu yahay xisbi ka fog qabyaaladda iyo weli ba sida oo kale kala qoqobka bulshooyinka walaalaha ah.8

“Hore ayaanu u sheegnay in beryahan ba ay kulamo socdeen ay ku kulansanaayeen xildhibbaanada ay ka soo kala jeeda goballada aynu soo sheegnay ee Xisbiga WADDANI si ay gunti giijin, horumarin iyo wax-tirid ba, muruq, maal iyo maskaxba ay isu la barbar istaagaan Xisbiga WADDANI iyaga iyo taageerayaashoodu ba, intaasi na waa ujeeda aynu u kulan sanahay maanta oo aynu u cadeynayno dadka reer Somaliland ee u yaqaana ama looggu sheegay in habar-awal ay Xisbiga KULMIYE tahay oo ay u raran tahay, waxaana aanu dooneynaa in aanu kor u soo qaadno Xisbiyada oo qabyaaladda laga dheeraado, waxa se ayaan darro ah in Xisbiga KULMIYE uu ololahii ku gelaayo olole qabyaaladdeed oo inta ay reero Kaambeyn ka dhigteen uun intii ay kolba reerahaas u tageyso intayada halkan iskugu timi na waxa ay garatay oo iskugu timi in ay dadka ka guubaabiyaan qabyaaladda oo ay dadka baraan Xisbinimada.”Ayuu yidhi Farxaan Faacuul6

Mid ka mid ah wax-garadkii isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa hadaladdiisii ka mid ahaa: “Beesha halkan iskugu timi ee iskugu jirta xubnahii golaha dhaxe, aqoonyahankii, siyaasiyiintii iyo madax-dhaqameedkoodii ee dhammaantood halkan iskugu yimi ee dega gobalka Togdheer, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Gabiley ba, waxa kelifay in ay halkan iskugu yimaadan, markay arkeen Xisbigii KULMIYE ee wadankan xukumaayey mudada todobada sannadood ah markuu xaraashay ilahii dhaqaalaha ee dalkii na afar qof uun uu gacanta u galay maamulkiisii ee xiqdiga, xasadka iyo xumaantu ba badatay ayaa waxa ay Subeer Awal garteen dalku in uu u baahan yahay badbaado qaran, halkee waxa lagu badbaadin karayaa markaanu is weydiineyna waxa aanu nidhi muuminka mar god laga ma wada qaniino e’ maanta dalka waxa badbaadinaya waa WADDANI.”.2

Xildhibbaan Qabile oo isna dhankiisa halkaas erayo kooban ka soo jeediyey, ayaa waxa uu xusay in ay beel ahaan cudud taageero iyo mid dhaqaale ba ay la garab taagan yihiin Xisbiga WADDANI isaga oo Xisbiga KULMIYE na ugu baaqey in uu tartanka siyaasaddeed ee dalka uu u wajaho tartan xalaal ah oo furan si ay u wanaagsanaato jiritaanka dawladnimada Somaliland.7

“Saaka halkan waxa iskugu yimi beesha Subeer Awal wixii kaga jiray Xisbiga WADDANI qeybo ka mid ah , gaar ahaan odeyaashoodii, waxaana aan lee yahay halkan waxa iskugu soo saaray hadhac iyo har dacaar isku mid maaha oo dadka halkan fadhiyaa geed hadh yar may hadhsan weligood oo qabiil kuma filnaanayo, beesha na raadkii Somalilandnimada ee ay weligeed ku taagnayd halka uu la galay waa Xisbiga WADDANI, xisbiga KULMIYE na waxa aanu lee nahay tartankii wuu dhow yahay, meesha ayaana la iskugu imanayaa ee intaad sumaddaa qabyaaladdeed aad iska dhigtaan na la tartama tartan xalaal ah oo furan.”.Xildhibbaan Qabile10