Madaxweynaha Jamhuurriyadda Somaliland Oo Daah-furay Mashruuca Shirkadda DP World Kula Horumarinayso Dekedda Berbera. May 11, 2017

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Somaliland Oo Daah-furay Mashruuca Shirkadda DP World Kula Horumarinayso Dekedda Berbera.
May 11, 2017IMG_2635IMG_2617 IMG_2618 IMG_2619 IMG_2620 IMG_2621 IMG_2622 IMG_2623 IMG_2624 IMG_2625 IMG_2626 IMG_2627 IMG_2628 IMG_2629 IMG_2630 IMG_2631 IMG_2632 IMG_2633 IMG_2634 IMG_2635IMG_2566
Berbera:(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray mashruuca horumarinta Dekeda Berbera ee shirkadda DP World ee lagu cashriyaynayo marsada caalamiga ah ee Berbera.IMG_2576
Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay munaasibadda ay shirkada DP World ku horumarinaysa dekedda Berbera ayaa waxaa kala qayb galay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrasshaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faro-toon), Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo saraakiisha ugu sarraysa shirkadda la wareegtay dekedda Berbera ee DP World, Saraakiil sar sare oo ka socotay dawladda qaarka mid ah dowladaha Jaarka ah , marti-sharaf iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.IMG_2575
Munaasibadda lagu daahfurayey mashruuca horumarinta dekeda Berbera ee DP World Berbera oo lagu qabtay gudaha dekedda weyn ee dekedda Berbera, ayaa waxa hadallo ku saabsan muhiimadda uu maalgashigu u leeyahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyey agaasimaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DPWorld Md. Suldan Axmed Bin Sulayman, waxana uu shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay in dib u habaynta iyo casriyeynta lagu samayn doono Dekedda Berbera door laxaad leh ka qaadan doonto dhaqaalaha waddanka iyo weliba soo jiidashada bucshurudaha kala duwan ee dunida, isaga oo madaxweynahana Iyo Xukumadiisa uga mahadnaqay sida uu ugu dhiirradeen go’aanka maalgashiga loogu samaynayo dekedda Berbera.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay sida ay Somaliland uga go’an tahay inay soo jiidato maalgashadayaal caalami ah, isla markaana mashruuca DP World Berbera uu yahay tallaabo horumarineed oo ay xukuumadda KULMIYE qaadday.IMG_2573
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mashruucan si rasmi ah u furay, ayaa u mahadnaqay shirkadda DP World iyo dowlada imaraatkaadka , isaga oo tilmaamay inuu mar walba maanka ku hayo sidii mashaariic waa weyn oo maalgelineed dalka looga hirgelin lahaa, isla markaan uu soo dhaweynayo fursad kasta oo danta dalka iyo dadkuba ku jirto.
Dekedda Berbera, ayaa ku biiraysa dekedo badan oo adduunka kamid ah, kuwaas oo ay si rasmi ah u maamusho shirkadda reer Imaaraad ee DP World, waxana horumarin ballaadhan lagu samayn doonaa marsada caalamiga ah ee Berbera.IMG_2567 IMG_2568 IMG_2571 IMG_2572 IMG_2573 IMG_2574 IMG_2576