WAR MURTIYEED : SHIRWAYNAHA MIDNIMO KOW “1” EE HABAR JECLO IYO HABAR YOONIS OO KA QABSOOMAY CAASIMADDA INGIRIISKA LONDON+SAWIRO

IMG_2860WAR MURTIYEED : SHIRWAYNAHA MIDNIMO KOW “1” EE HABAR JECLO IYO HABAR YOONIS OO KA QABSOOMAY CAASIMADDA INGIRIISKA LONDON+SAWIROIMG_2860
Shalayto oo ay taariikhdu tahay 17ka Shacbaan Hijri 1438, kuna aadan 13th May,2017 waxa magaladda london, UK shirwayne ku qabsaday ergooyin ka socda labada beelood ee walaalaha ah “Habar Jeclo & Habar Yoonis”. Ergooyinkaasi waxay ka hadleen dareen ka dhashay wadahadalo muddo dheer u socday Bulshada Rayidka ah “ civil society” . Wadahadalka waxaan laga qayb gelin Siyaasiyiinta ,Ganacsatada Waawayn iyo kuwa danaha gaarka ah leh “ Special interest Groups”. Doodahaas waxa lagu xusay inay labada beelood wadaagaan dhiig & dheecaan kuna arooraan hoy barakaysan “ Ahlu-Bait” . Waxa la iftiimiyay inay labada beelood wada degaan lix gobol oo kala ah Sool, Sanaag, Saaxil, Saraar, Togdheer iyo Zone 5 .IMG_2861 Waxa la qiray in labada beelood hormood ka ahaayeen halgankii dheera ee gobanimadoonka iyo dib-usoo celintii xoryada Somaliland . Waxa la aqoonsaday in midnimadda labada beelood dani ugu jirto Somaliland iyo Geeska Afrika. Waxa la dareemay inay labada beelood kala fogeeyeen siyaasiyiin dano gaar ah lihi, taaso dibudhac wayn ku keentay Gobollada Bari ee labada beelood wada degaan. Markii arrimahaa si qoto dheer loo lafa guray waxa laysla gartay qodobadda soo socda :IMG_2855
1). In shirkan daah furka ah ee ka dhacay London, loo bixiyo “ Midnimo 1 “. Si loogu daadejiyo dareenka bulshada ,waxaana Gobolka Togdheer iyo Gobollada kaleba lagu qaban doonaa Midnimo 2, Midnimo 3, Midnimo 4 , Midnimo 5 iyo Midnimo 6. Waxa la samayn doonaa Guddiyo Joogta ah , Xeer Hoosaadyo iyo Geedi-socod “ Road-map”IMG_2868
2). Waxa magaalooyinka waawayn laga furi doona Guryo goglan oo ay ku wada xaajoodaan bulshada rayidka ah – dhalinyaradda, aqoonyahanadda, culimadda, odayaasha iyo haweenka. Guryahaasi waxay u fududayn doonaan isdhexgalka , isbarashada iyo iskaashiga bulshawaynta labada beelood.IMG_2876
3). Qurbajoogta labada beelood waxay kaalin mugleh ka qaadan doonta dhamaystirka mashruucyada qabyada ee Gobollada Bari siiba jidka Erigavo-Burco- Hargeisa. Waxa la unki doona Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha soo socda ku cadaadiya inay si cadaalad ah ugu kala qaybiyaan Gobollada Bariga & Galbeedka Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda iyo adeegyadda bulshada.IMG_2869
4) Goboladda Barigu waa xudunta dhaqaalaha Somaliland “ Economic hub” , marka la eego Gobolka Burco oo ah sayladda Afrika ugu wayn ganacsiga Xoolaha Nool; shidaalka ceegaaga Saraar & Daadmadheedh; Beeyada Gobolka Sanaag ; khayraadka badda ee Saaxil & Sanaag ; Buuraha dalxiiska ee Daallo . Waxaanu bilaabi doona daraasad mashruucyo wadajir ah “ feasibility studies on Joint ventures” oo ay maal-gashadaan dadyowga kasoo jeeda degaanada Bariga iyo cidii kale ee danaynaysa.
5) Waxaanu aaminsanahay Distoorka Qaranka oo qeexayaya in muwaadinku xor u yahay qofka uu codkiisa siinaayo ee ku metelaya Golaha Deegaanka, Wakiiladda iyo Madaxtooyadda. Waxaanu ku boorinayna cidkasta oo ay khusayso in codbixiyaha loo daayo xuquuqdiisa distooriga ah “ Constitutional rights “ oo aan la cadaadin .IMG_2866
6 ). Waxaanu si wada jir ah u difaacaynaa jiritaanka qaranimadda Somaliland . Waxaanu ugu baaqaynaa beelaha kale ee Somaliland ee derisnimo iyo deegaan wadaaga ah inay samaystaan golayaal iyo fadhiyo ay ku wada xaajoodaan. Waxaanu uga baaqaynaa siyaasinyiinta Somaliland inay ka fogaadaan kala qoqobka bulshada caafimaadka qabta , Xisbiyadda qarankuna inay joojiyaan ololayaasha beelaysan .
WA BILAAHI TOWFIIQ.
WAR MURTIYEEDKA WAXA SOO SAARAY GUDDIDA KU MEEL GAADHKA AH EE BEELAHA HABAR JECLO & HABAR YOONIS.IMG_2746

Gudoomiyaha Shirka midnimo1 ee London Maxamed Cabdi Hallac.Baargeel@gmail.comIMG_2850 IMG_2851 IMG_2852 IMG_2853 IMG_2854 IMG_2855 IMG_2856 IMG_2857 IMG_2858 IMG_2859 IMG_2860 IMG_2861 IMG_2862 IMG_2863 IMG_2864 IMG_2865 IMG_2866 IMG_2867 IMG_2868 IMG_2869 IMG_2870 IMG_2871 IMG_2873 IMG_2874