Gudoomiyaha Xisbigga KULMIYE Oo Shacabka Ka-Tacsi-yaddeeyay Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid May 15, 2017

Gudoomiyaha Xisbigga KULMIYE Oo Shacabka Ka-Tacsi-yaddeeyay Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid
May 15, 2017

M uuse Biixi
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2017 magaalada Hargeysa..
Marxuum Cismaan Cabdillaahi Siciid oo Madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay dib-u-xorayntii dalka iyo dib-u-dhiskii ciidanka Qaranka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Millatariga. Waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa sarkaal hawlkar ah oo ku suntanaa dadnimo wanaagsan iyo addoon Alle ka cabsi badan.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE