Maanso cusub oo la magac baxday :BULSHOOY DHAQAN BEEL DHEH,waxa tiriyay Abwaankii waynaa ee , Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)

Maanso cusub oo la magac baxday :BULSHOOY DHAQAN BEEL DHEH,waxa tiriyay Abwaankii waynaa ee , Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)j-70x70

​Gabayaagu waxa uu wax badan tilmaama ama uu hogo’tusaaleyaa bulshadiisa,isaga oo si taxadar-leh farta ugu fiiqaaya hadba halka uu isleeyahay dhaliil iyo hag’rasho ayaa ka jirta;waana mid lagu yaqaano Abwaanada iyagu sida toolmoon had iyo goor ula socda bulshadoodu halka ay hadba ka liidato.

Maansadan waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon) .Abwaanku waxa uu si kooban oo hal abuurnimo ku dheehan tahay maansadan kula talinayaa, Madaxda iyo hogamiyayaasha dalka,isaga oo hadba tilmaamaaya halka uu isleeyahay in wax la dhiso ayay ku haboon tahay,kana digaaya in ay madaxdu noqoto, kuwo iyagu dadka ka shaqaysta,balse aan u shaqaynin.

Waxaanu yidhi Abwaanku:

 

Adduunka dhibkiisa

Dhacdooyinka daadsan

Dharaaraha qaarba

Dersay dhigayaane

Dhulaan biyo oollin

Dhallaan ku harraaday

Ninbaa beri dhaami

Nin awr ugu dhiibey.

Markuu la dhaqaaqay

Dhabbaa kula daalay

Ayuu dhexda seexday

Awrkii dhacan oo lun

Dhurwaana cun mooyi.

Dhiggiisa waxaa ah

Dharaarta codaynta

Dhawaaqiyo sawt’ka

Ninkii lagu dhoobay

Nicmaa dhalanaysa

Masuulka ku dhaartay

Inuu dhimrinaayo

Dalkiisa dhisaayo

Dhaqaale sameeyo

Sinnaan ku dhaqmaayo

Dadkiisa dhammaanba

Wanaag dhaxalsiiyo

Markuu dharab kayn leh

Dhexdeeda ka toosay

Dhawaaqa baxaaya

Hayayda dhacaysa

Dhaliilaha muuqday

Dhibaatada taagan

Hadduu dhugan waayey

Dhegaa ka furaystay

Dadduu ka dhaqaaqay

Bulshooy dhaqan beeldheh.

Dhallinta habawday

Shisheeye dhulkiisa

Dhalaal uga muuqday

Intuu u dheg taagay

Tahriib u dhaqaaqay

Dhulkooda ka yaacay

Badaa ku dhammaaday

Masuul dhugan waayey

Ba’ayda dhacaysa

Dhegaa ka furaystay

Bulshooy dhaqan beeldheh.

Miskiin dhinac jiifa

Dhibkiisu u muuqdo

Intuu u dhawaado

Masuul dhuganwaayey

Jalkiina la dhaafay

Markuu dhimanaayo

Dhafoorrada taabtay

Bulshooy dhaqan beeldheh.

Dhirteenna magooshay

Dhillowyahan-keeda

Caleenta ku dheehan

Bur dhuub iyo doogleh

Dabkuu dhejinaayo

Nimaanay dhibayni

Masuul dhuganwaayey

Bulshooy dhaqan beeldheh.

Dhambaalka warkaygu

Dhabtuu ka hadlaaye

Xumaan ha u dheehan

Samaanta ka dheego

Dheel dheel talo seegga

Jidkuu Dhahar eeday

Dhabbii dib u raaca

Ku dheel ummad maaha.

Dhashaada cun maaha.

Badh jeelka dhig maaha.

Dhurwaa noqo maaha.

Lafaa dhilo maaha.

Bukaan dhakhtar jiifa

Jalkooda dhan maaha.

Dhammaan ummaddiina

Hantida ka dhaxaysa

Dhaqaalaha booba

Dhacoo gurta maaha.

Dadkoo dhaxan jiifa

Dhagxaanta ku seexda

Sardheer dhiso maaha.

Hurdada dhacadiidsi

Dhakool keli maaha.

Masuul dhaban daade

Tolkiisa dhawayste

Qabiilo ku dhuunte

Dhankiisa ka hooste

Lugtuu dhudhub haysto

Dhiraan-dhiriskeedu

Ku soo dhufo maaha.

Dhammaw calankeenna

Raggii dhicinaayey

Kanay u dhinteene

Ha dheeliyo maaha.

Waxaa tiriyay Abaanka wayn ee Somaliyeed .Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)