Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ku Dhawaaqey In Heshiiskii Dp World Iyo Saldhiga Imaraadka Laga Siiyey Berbera Ay Dawlada Somaliya Saxeexdey + [Muuqaal]

Garoowe (Salaanmedia.com)_ Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Muddane Cabdikariim Xaaji Cumar
Camey ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu sheegay in heshiiskii shirkada Dp World loogu wareejiyey dekada Berbera iyo saldhigii Imaraadka Berbera laga siiyey ay labada saxeexdey dawlada Faderaalka ah ee Somaliya

Mr Camey ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay xukuumada Somaliland dadkeeda ka qarineyso isla markaana aaney heynin geesinamadii ay arintaasi ugu sheegi laheyd waxaana uu yidhi

” Bahasha sakaarada la yidhaahdo ayaa la yidhi waxaa ay aastaa saalo la arki doono , waxaan ku siinayaa hal tusaale Dekada Berbera iyo saldhigii la siiyey Imaraadka labadaba waxaaa saxeexdey dawlada Faderaalka ah ee Somaliya , lakiin geesi nimadii shacabka reer Somaliland loogu sheegi lahaa ayey dawladu la,dahay ” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdikariim Xaaji Cumar Camey