“Qofkii Ugu Xumaa Ee Nolasheyda I Soo Mara Ee Aan Siyaasad La Wadaago Waa Faysal Cali Waraabe Waana Qof …… ” Muj Cali Guray .25.05.17

“Qofkii Ugu Xumaa Ee Nolasheyda I Soo Mara Ee Aan Siyaasad La Wadaago Waa Faysal Cali Waraabe Waana Qof …… ” Muj Cali Guray .IMG_3739

Thursday May 25, 2017 –
Hargeysa (SM):- Siyaasi Cali Guray oo ka mid ah masuulyiinta xisbiga Kulmiye ayaa
waxaa uu sheegay in qofkii ugu xumaa abdi ee soo mara isla markaana uu siyaasad la wadaago in uu yahay Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID

Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa sidaasi sheegay waxaana uu ku bilaabey hadalkiisa

” Qofkii ugu xumaa ee noloshaydaba i soo maray hadii aanu ahayn kolay aniga xagayga Ina Cali Waarbe wuxu noqonayaa shakhsigii ugu xumaa een abid siyaasad la wadaagay. Qofka ama waa inuu Diin qabata leeyahay oo dabar u noqota ama waa inu dadnimo leeyahay celisa ama waa in uu yahay qof damiirkiisu nool yahay oo wax uun ka dikhooda. Qofku hadaanu intaa midna lahayn aniga way igu adag tahay in aan fahmi karo. Imika Xisbul xaakimka garanay oo waa muxaafid Cirro iyo xisbigiisa WADDANINA waa gartay oo waa Mucaarid. Bal ka Ina Cali Waraabe iyo wankan mar kastaba Iibka u jooga ka warama? Haye Mucaarid miya mise waa muxaafid? Midna maaha markaa waa maxay hadii aanay siyaasadu labeeb lahayn? Anigu garan maayo wax kale oon ku sheego Ina Cali Waraabe oo aan ahayn LABEEBKA SIYAASADDA.” Ayuu yidhi

Salaanmedia/Hargeysa