Maxkamadda Dalka Spain Oo 21 Bilood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Ciyaaryahanka Barcelona ee Messi.26.05.17

56messi

Maxkamadda Dalka Spain Oo 21 Bilood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Ciyaaryahanka Barcelona ee Messi
Maxkamada sare ee Dalka Spain ayaa xaqiijisay maalintii arbacadii inay taageersan tahay Xukunkii ka dhanka ahaa ciyaaryahanka u dhashay Dalka Argentin ee Messi.

Messi
Xukunkan xadhiga ah ee lagu soo rogay ciyaaryahan Messi waxa sabab u ah in aanu bixin Cashuuraha laga doonayo, sidaasi awgeed waxa lagu xukumay Xadhig muddo dhan 21 bilood, ma aha markii u horraysay ee ciyaaryahanka Messi iyo waalidkii la kulmaan xukuno lagu rido, balse waxa la filayaa haddii ay bixiyaan cashuurtaasi aanay xadhig muttaysan doonin.

Messi

Dhinaca kale, Qaannuunka Dalka Spain ayaa dhigaya muddada xadhiga ee qofka lagu xukumaa haddii ay ka yar tahay laba sano in aan la xidhi Karin, taasoo ah sababta keenaysa in aan la xidhin Ciyaaryahan Messi iyo Waalidkiisa.