Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Doxa ku booqday Shiikh Soomaaliyeed oo caan ah (Daawo Sawirro)26.05.17

Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa Booqasho Sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdurashiid Cali Suufi, Masaajidka uu Iimaamka ka yahay ee ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qadar.


Sheekh Cabdirashiid ayaa Halkaasi ku soo dhoweeyay Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa waxayna la Tukadeen Salaadda Makhrib, iyagoo iska xog waraystay xaaladda dalka uu Marayo iyo halka ay Xukuumadda Soomaaliya Hiigsanayso sanadaha soo Socda.

Sheekh Cabdirashiid ayaa Madasha ka soo jeediyey Farriin Qiimo badan iyo Dar-daaran, isagoo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qabsadaan xariga ALLE.

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa wuxuu Caan ku hayay codka uu alle Hibada u siisay ee akhrinta Qur’aanka Kariimka, wuxuuna ka mid yahay Culimada ugu caansan dalalka Islaamka.