Sheekh Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadley Sheekh Maalmihii Ugu Danbeeyey Kumaanaan Qof Ku Dabiibaayey Duleedka Hargeysa , Kuna Baaqey …. + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland waxaa uu
khudbadiisii maanta ee saalada Jumce uu kaga hadley sheekh maalmihii ugu danbeeyey duleedka magaalada Hargeysa ku dabiibaayey kumanaan qof

Sheekha ayaa waxaa ku sifeeyey sheekhaas mid soo shaqo tagay isla markaana waxaa uu ku baaqay in sheekhaas go,aan laga gaadho .

Sidoo kale Aadan Siiro ayaa hoosta ka xariiqey in sheekhaasi uu waxyeelo ku yahay diinteena iyo dadnimadeena waa sida uu hadalka u dhigaye , waxaaana uu ku hanjabey sheekh Aadan siiro hadii ay sheekhaas dawladu dalka ka saari weydo in ay iyagu ugu tagi doonan halka uu joogo oo ay dalka ka saari doonan