Daawo Muuqaal :Wiilkii isku Qarxiyay Manchester oo la ogaaday Qalabkii uu Qarxyada ka sameeyay & Wadamadii uu tagay..29.05.17

Daawo Muuqaal :Wiilkii isku Qarxiyay Manchester oo la ogaaday Qalabkii uu Qarxyada ka sameeyay & Wadamadii uu tagay..29.05.17

Baaritaano dheer ka dib Sirdoonka dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay qalabkii uu Qaraxyada ka sameeyay Salman Abedi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Liibiya balse dhawaan isku qarxiyay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska .

Wiilkaan oo 22 jir ah ayaa Qaraxyo macmal ah waxa uu ka sameystay qalab is diidan sida Batari dab dhaliye ah , Boolasha gawaarida iyo Biro macdan ah . Salman Abedi oo galaftay nolasha 22 ruux ayaa ka hor inta uusan is qarxin waxa uu safar qarsoon ku tagay magaalada Düsseldorf ee dalka Germany .

Sidoo kale dhoor jeer ayuu safaro ku tagay dalkiisa Liibiya balse sanadkii 2015-kii ayuu xili uu ka soo laabtay dagaalada dalka Siiriya waxa uu yimid magaalada Frankfurt ee isla wadanka Germany kaas oo si qarsoodi ah ugu sii duulay wadanka Ingiriiska .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Oslo-Norway
Allbanaadir@live.com

Â