Toban waxyaabood oo laga bartay khudbadii xasaasiga aheyd ee uu Farmaajo ka jeediyey banaabaxa.04.06.17

Muqdisho (SM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad aad xiiso badneyd ka jeediyey banaanbax ka dhacay Muqdisho oo loogu dabaal dagayey 100-kii maalin ee ugu horeysay dowladda Farmaajo.IMG_4429

Inuu doonayo inay Muqdisho noqoto mid dib u hesho bilicdeeda isla markasna ay ahaato meel ay u dhan yihiin Soomaali oo dhan, wuxuuna ballan qaaday inay Muqdisho kusoo laaban doonto sidii ay ahaan jirtay.

Farmaajo oo weli ku taagan go’aankii ahaa inuu ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka
Madaxweynaha oo aaminsan inay dowladda ku kheyr badan tahay inaysan dhexdeeda is khilaafin, casharo badana ay ka barteen dowladihii dalka soo maray oo ay madaxdooda is qabqabsan jireen.
Madaxweynaha oo aaminsan inuu soo magacaabay Ra’isulwasaare isaga ka fiican, Ra’isulwasaarahana uu soo magacaabay Wasiiro ka fiican, Wasiiradana laga rabo inay keenaan shaqaalo ka fiican iyaga.
Madaxweynaha oo ballan qaaday inuu soo celin doono rajadii shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu magac daray NABAD IYO NOLOL.
Farmaajo oo askarta uga digay inaysan shacabka dhibaateyn, askarigii qof shacab ah dilana la geyn doono tiirka.

Inuu seddexda bil ee soo socoto wax badan ka qaban doono cadaaladda, ayna jiri doonin hooyo dambe oo laga oysiiyo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Al-Shabaab inay nabadda qaataan, oo ay dowladdooda u yimaadaan, hadii ay dhibka joojiyaan oo aanay umaddooda leynin ay AMISOM dalka ka baxeyso, oo dib dalalkooda ugu laabanayan
In Muqdisho kaliya ay Caasimadaha adduunka kula tartami karto nabad iyo xasilooni sida Nairobi, Addis Ababa, balse aysan kula tartami karin qoryo baroomo saaran yihiin oo magaalada lagu dhex marayo.
Farmaajo oo ka dhawaajiyey inay fuliyeen ballan qaadkii ahaa in la iska ilaaliyo musuq maasuq isla markaasna ay si fiican u maamuleen hantida qaranka Soomaaliyeed.

Salaanmedia/Moqdisho Source Caasimada