Xukuumada Oo Warar Is Khilaafsan Ka Soo Saartey Saamiga Dalka Itoobiya Laga Siiyey Dekada Berbera + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay warar is khilaafsan oo aan isku mid
aheyn ka soo saareen saamiga dalka Itoobiya laga siiyey dekada Berbera iyo cida saamigasi laga jaray

Afhayeenka madaxtooyada Muddane Xussen Dayr ayaa waxaa uu sheegay in saamiga dalka Itoobiya laga siiyey dekada Berbera ay shirkada Dp World saamigeedii 65 % ay kka siisay isla markaana ay xaq u leedahay

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa waxaa uu isna sheegay in saamigaasi laga siiyey dekada Berbera dawlada Itoobiya ee ah 19 % ay Somaliland saamigeedi ka siisay 5 % halka Dp World ay siisay 14 %

https://youtube.com/watch?v=WJOYDt-1GnM

Masuulyiintan ka wada tirsan xukuumada isla markaana uu hal madaxweyne wada magacaabey Ayaan ilaa hada warbaahinta la wadaagin xog rasmi ah oo ay ku mideysan yahiin isla markaana ku saabsan arinta Saamiga Itoobiya laga siiyey dekada Berbera