Guddoomiye C/qaadir Jirde Oo Si Rasmi Ah Magaalada Berbera Uga Furay Tartan Ciyaareed Kubada Cagta Ah Iyo Agab Ciyaareed Uu Gudoonsiiyey Kooxaha Ka Qayb-gelaya.+ Sawirro

Berbera (SM) Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/qaadir Jirde ayaa tar-tan ciyaareed kubada Cagta ah ka furay magaalada Berbera, kaasi oo ay ka qayb-qadanayaa 12 kooxood oo ka mid ah kooxaha kubada Cagta ee ka dhisan magaalada Berbera.IMG_4465
Guddoomiye C/qaadir Jirde oo ay weheliyaan masuuliyiin ugu tunka weyn leh Xisbiga WADDANI, ayaa si rasmi ah u furay tartan Ciyaareed kubada cagta ah oo dhaxmaraya 12 kooxood oo ka dhisan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana wuxuu guddoomiyuhu guddoonsiiyey agab ciyaareed dhammaystiran 12 kan kooxood ee ka qayb gelaya tartankaasi uu Xisbiga WADDANI qabanayo.IMG_4463
Geesta kalena qaar kamid Cuqaasha iyo wax-garadka gobolka saaxil ayaa si weyn u soo dhaweeyey tartan ciyaareedka uu bisha barakaysan ee ramadaan uu Xisbiga WADDANI ka furay magaalada Berbera iyo qalab lagu Ciyaaro kubad cagte ee uu guddoonsiiyey 12 –ka koooxood, waxaanay sheegeen inuu Xisbiga WADDANI ka dhabeeyo balan qaadka uu u sameeyo, isla markaana uu dhiirigeliyo dayarta ..IMG_4458 IMG_4460 IMG_4461 IMG_4462 IMG_4463 IMG_4465