BAAQ TAAGEERO : GUDDIDA MIDNIMO H J & HY EE GOBOLKA TOGDHEER .05.06.17

BAAQ TAAGEERO : GUDDIDA MIDNIMO   H J & HY   EE GOBOLKA TOGDHEER .baaq
Waxa ka socda  Gobollada Bari ee Somaliland  kacdoon bulsho “ Civil society movement “   kuna waajahan sidii  horumar loo  gaadhsiin lahaa Gobollada  Bariga  oo  dayacan kuna  habsadeen aafooyinka dabeeciga  ahi.  Waxaynu dhawaan daawanay   tartan ciyaareed “ Sports event “ oo ka socda  Maroodijeex   ayadoo kumanaan qof duleedka Burco   u jiifaan darxumo iyo xanuun  .Waxa haboonayd  in la joojiyo dibiro-dhacsiga  ciyaaraha ee ka socda Galbeedka  laguna   dhawaaqo xaalad deg-deg ah.  Hadaba laga bilaabo March, 2017, waxa qurbaha ka bilaabmay dareen shacbi oo diidan kala qoqobka bulshada walaalaha ah ee dhiig iyo dhiicaanba wadaaga kuna aroora “ Ahlul-Bait”. Waxa si dhab ah loo dareemay in   dib-udhaca  ku habsaday Gobollada  Bariga  ka dhashay kala  qoqob , iskaashi-la’an  iyo kala shaki  lagu dhex tuuray beelaha walaalaha ah .  Waxa lays tusay in Goboladda Barigu  yaheen xudunta dhaqaalaha Somaliland “ Economic hub”  . Gobolka Togdheer  waa saylada ganacsiga xoolaha  ee ugu wayn Geeska Afrika.  Saraar & Daadmadheedh waxa ceegaaga shidaal & Gaas ; Gobolka Sanaag waxa u gaara Beeyada ; khayraadka badda ee  xeebta   ugu dheer Somaliland  ; Dalxiiska Buuraha Daallo ; Macdanta ku dheehan silsilada Golis sida  Emerald, Sapphire, Ruby, Aquamarine, Opal ,  iron ore, Titanium, Aluminium, Tungsten, Tin, Gale iyo qaar kaloo badan .  Bulshadu waxay isku waafaqaday in gacamaha lays qabsado oo laga baxo mugdiga iyo humaaga loona baxo inftiinka iyo nuurka .  Dhaq-dhaqaaqa  bulshada  ee ka bilaabmay Europe   wuxuu ka hilaacay  lixda gobol ee Sanaag, Saraar, Saaxil, Sool, Togdheer & Zone 5 , Ethiopia”.  Waxaanu si mug iyo miisaan leh  u taageeraynaa  Guddida  lagu doortay Burco  tkh 2nd June, 2017 oo hogaamin doonta bulshada rayidka ah ee deggan Gobolka Togdheer.
Guddida Midnimo  HH  , London. UK.