Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay Mid ka mid ah kooxaha ugu caansan K/Cagta Yurub (Daawo Sawirro)11.06.17

Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay Maaliyada Mid ka mid ah kooxaha ugu caansan K/Cagta Yurub (Daawo Sawirro)11.06.17

IMG_4821
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan wadamada khaliijka ayaa sabab u noqotay inay saamayn ku yeelato kooxda Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu caansan qaarada Yurub iyo caalamka intiisa kale.

Dowlado ay ku jirto Saudi Arabia ayaa xiriirkii siyaasadeed iyo midkii dhaqaalaha u goysay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay soo taageeraan argagaxisada, iyagoo sidoo kale ka xirtay xuduudaha, badda beriga iyo cirka intaba.

Maaliyada Barcelona oo ay maalgaliso Qatar Airways ayaa waxaa laga mamnuucay dalka Saudi Arabia iyadoo waliba taageerayaasha Barcelona ee ku nool dalka Saudi Arabia la duldhigay ciqaab aad u adag haddii lagu arko iyaga oo sita maaliyada Barcelona ee ay Qatar maalgaliso.IMG_4823

Dowlada sacuudiga ayaa soo saartay amar adag oo sheegaya in qofkii lagu arko maaliyada Barcelona oo jooga dalka Saudi Arabia lagu ridi doonaa xukun 15 sanadood oo xabsi ah iyo waliba ganaax lacageed oo dhan €135,000 kun oo riyaal waana go’aan la filayo in sidoo kale ay qaataan wadamo kale oo carab ah oo Saudi Arabia gacan saar la leha sida isu taga Imaaraadka carabta, Masar, Yemen iyo dalal kale.

Go’aanka ay dawlada Saudi Arabia ku mamnuucday maaliyada Barcelona ee ay Qatar Airways maalgaliso ayaan saamayn ku yeelan kooxda Paris Saint-Germain ee reer France oo iyadana laga maal galiyo dalka Qatar waxayna PSG sheegtay in wada shaqaynta qatar iyo PSG aanu go’aankani saamayn ku yeelan

Kooxda Barcelona ayaa xili ciyaareedka cusub ku ciyaari doonta maaliyad cusub oo ay dhawaan soo bandhigtay taasoo ay maal galinayso shirkada reer Japan ee Rakuten heshiis afar sano ah ay la saxiixatay.

IMG_4822