Sucuudiga Oo Shuruud Ku Xidhay In Uu Xayiraada Ka Qaado Dalka Qata

Riyaad (Salaanmedia.com)_ Dowlada Sacuudiga ayaa markale ku edeesay dalka Qadar inay taageerto argagixisada,
sidoo kalena ay faragelin ku sameyso arrimaha wadamada kale.

19224842_458512911162055_3318210130593094877_n

Wasiirka Arimaha dibada dalka Qatar Adel al-Jubeir Mar uu la hadlayay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uu san wax heshiis ah la geli doonin dalka Qadar ilaa iyo inta ay ka bedelayaan siyaasadooda
Dowladaha Masar, Baxreyn iyo dalka Imaraatka ayaa iyaguna horay u sheegay inay xidhidhka u jareen dalka Qadar, kaddib markii ay ku eedeyeen in dalkaasi uu taageero argagixisada, balse dowlada Qadar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in xayiraadaha lagu soo rogay dalkeeda uu xadgudub ku yahay qawaaniinta caalamiga.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar.

Sidoo kale dalka Iran ayaa dalka Qadar u diray diyaarado sida cunno.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qadar.