Daawo Sawirada: Sadex Nin oo Wadaad ku dhax dilay Masjid kuyaala Baydhabo oo lasoo bandhigay.17.06.17

Taliska booliiska magaalada Baydhabo ayaa maanta soo bandhigay Sedex nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil Masjid kuyaala magaalada Baydhabo loogu dhax geestay Nin Wadaad ah oo kunoolaa magaaladaasi.

Sheekh Maxamed Deyr oo kamid ahaa Culumada Baydhabo sidoo kale la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku doortay magaalada Baydhabo ayaa lagu dhax dilay Masjid kuyaala magaaladaasi.

Col. Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Booliska Gobolka Baay, ayaa sheegay in la aqoonsaday mid kamid ah ragii dilkaasi geestay ayna gacanta kusoo dhigeen, waxa uuna intaa raaciyay in ninkaasi uu isna far muuqay labo nin oo kale oo dilkaasi gacan ka geestay.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ragan lasoo qabtay la horgeyn doono cadaalada laguna qaadi doono ciqaabta dambiga ay galeen, waxa uuna tilmaamay in wax laga naxo ay tahay in qof Muslim ah lagu dhax dilo Masjid gudihiisa.

Shacabka magaalada Baydhabo oo aad uga naxay dilka loo geestay Wadaadkan kamid ahaa Culimada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen ragii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee fuliyay dilkaasi.