HARGEYSA: Sarrifka Lacagta Dollarka Oo Maanta Gaadhay Halkii Ugu Saraysay Abid Iyo Xukuumadda Oo Ku Fashilantay Inay Wax Ka Qabato Sicir-bararka Iyo Qiimo Dhaca Shillinka Somaliland.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Iyada oo muddooyinkii u danbeeyeyba uu dalka guud ahaanba ka taagnaa Sicir-barar baahsan ee aafeeyey bulshada dan yarta ah ayaa waxa uu noqday sicir-bararkaasi maalmihii u danbeeyey mid xadhkaha goostay oo la maarayn kari waayey.

SOMALILAND-QIIMAHA-DOOLLARKA-SUUQA-SARRIFKA-LACAGAHA-EE-HARGEYSA-2017-1

Maanta oo Axad ah bishuna ay tahay 18-June-2017 laguna guda jiro Tobankii danbe ee Bisha Barakaysan ee Ramadan isla markaana ay kaabiga soo saaran tahay maalinkii Ciidal Fidriga ayaa waxa uu saaka sarrifka lacagta qalaad ee Dollarku uu gaadhay halkii ugu saraysay Abid.
Waxaana suuqyada caasimada Hargeysa maanta uu sarrifka Halka Dollar (1$) uu marayaa qadar lacaga oo dhan 9600 SLSH (Sagaal Kun Iyo Lix Boqol Oo Shilling Somaliland ah),waxaana uu gaadhay halkii ugu saraysay abid ee aanu gaadhin tan iyo intii uu sicir bararku dalka ka taagnaa.
Sarrifka lacagtan qalaad ee saaka cirka isku shareertay ayaa waxay saamayn xooggan ku yeelatay bulshaduu dan yarta ahayd ee aan tahli karayn inay wax ku iibsadaan,waxaana sidoo kalena isna Halka Dollar (1$) lagaa qaadayaa markaa aad Kaash sidato ee aad Dollar doonayso qadar lacaga oo dhan 10,500 SLSH ( Toban kun iyo Shan Boqol oo Shilling Somaliland ah) oo aanay tahli karayn dadka Dan yarta ah inay wax ku iibsadaan isla markaana ay bixiyaan qadarka lacaga ee intaa leeg.
Sidoo kalena saaka waxa hal mar kacay iyaguna maceeshaddii Qutul daruuriga ahayd ee dadku iibsanayeen,iyada oo mid kastena lacag dheeri ah lagu daray,waxaana ay arrinkan Sicir bararka ee saaka cirka isku shareeray ay Amakaag iyo Af kala qaad ku noqotay bulshadii dan yarta ahayd ee awalba uu saameeyey Sicir bararkan dalka ka taagan ee xalka loo waayey
Sicir bararka dalka ka taagan ayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo Baanka dhexe waxay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan isla markaana ay hirgaliyaan go’aankii ay xukuumaddu kasoo saartay Sicir bararkan dalka ka taagan,waxaana ay masuuliyiiintani dhawr jeer oo hore ay Warbaahinta lasoo fadhiisteen inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabanayaan Sicir Bararkan dalka ka taagan ee aafeeyey Bulshadii dan yarta ahayd iyaga oo ay dhawaan ahayd kadib markii ay ka dhawaajiyeen masuuliyiintani inay suuqyada caasimada Hargeysa ku sii daayeen Lacago hoos loogu dhigayo Sicir Bararkan kuwaas oo aan ilaa hadda waxba ka badali sicir bararkan.
Gababadiina bulshada Somaliland ayaa aad isku waydiinaya sababaha ay xukuumaddu u tahli kari wayday ugana Cago jiidayso inay wax uga qabato Sicir bararkan dhibka iyo Oofwareenka ku noqday Bulshada dan yarta ah.Ilaa hada se lama garanayo halka uu sal dhigan doono Sicir bararkaasi dalka ka taagan.