Xogayaha war-fafinta UCID Yussuf K. Abdillahi weli muu baran in Faizal C. Waraabe xeryaha milertiga iska galo by Abdi Mustafe

Xogayaha warfafinta Ucid Yussuf Keyse Abdillahi oo cid waliba kaga tagtay gego cidla ah oo weli ka hadla xisbi Ucid la yidhaa oo beri hore Faizal Cali Waraabe gowracay ayaa loo wada khajilay doraad mar uu warbaahinta yimi isaga ka jawaabaya eedaymo Faizal loo soo jeeday. Yussuf Keyse weli muu baran in Faizal xeryaha miletriga ba iska gallo. Faizal dad iyo dowladaba intaa wuu caayaa sabab tuna tahay waa nin aan masu’ul ahayn oo fudud oo marfuuc al-qalam ah. Iminka waxa muuqata in Yussuf Keyse Abdillahi isna uu la mid noqday adeerkii Faizal oo uu saldhigyada bileyska iska gallo. Hadalada uu Yussuf ku dhaleecaynayay xisbiga Waddani waxa ka mid ahaa in uu ydhi Xisbiga Waddani muu ogeyn ee Abdirahman Ciro Turkiga ayuu ku maqnaa. Subxaan … Maxaa adiga oo Ucid ah ku ogeysiiyey ee aannu Waddani ogayn damiin waaxid wax jira ayaa la sheegaa ee waxa cadaatay inaad adna Faizal 2 noqotay. Yussuf maaha nin siyaasi ah mana aha nin caqli badan ee wixii Faizal Cali Waraabe u sheego uun buu ku dhaqaaqaa. Haduu caqli ku filan leeyey cid waliba ka yaacday Ucid ee ma cidla ciirsiladan ayuu ka cataabi lahaa. 
Haw noqon war aan sal iyo baar toona lahayn inaad warbaahinta isla soo taagto, iskana hubso jarka uu uu Faizal kaa tuurayo, nin da’ yar baad tahay ee tasho oo ka kac meeshan aad dacayda laa-laadin.

Yussuf Keyse,
Hubka waa-weyn xamili meysid iyo haba bac-diisee

waxaan kugu heyl-heylayaa waa hoota bagaftii. 

Sawirka Yussuf
Inline image 1