Isbar-dhiga Cilaaqaadka Soomaaliland la leedahey QATAR iyo IMAARAATKA

Axad.18.06.17
Isbar-dhiga Cilaaqaadka Soomaaliland la leedahey QATAR iyo IMAARAATKA
maqaal
Salaan ka bacdi
Haddii aan toos ugu gon-do dego ujeedada Cinwaanka Maqaalkeygan horaa loo yidhi Nin Abaal gala badan Nin gudaa se yar.Waxaan aad u Xasuustaa Waqtiyadii 1980s Waqti aad ugu adkaa Reer Soomaaliland, Waqtigii bilowgii Halgankii SNM, Waqti Rag badan oo Maanta Mujaahidiin sheegta ama Damac Siyaasadeed lihi aaney Muuqan ama la Safnaayeen Xukuumaddii Siyaad Barre, Waqti Saraakiil iyo Siyaasiyiin aad u tiro yar ay dhexda u Xidheen Halgan hubeysan, Waqti Dalka QATAR ahaa Marinka ay ka ambaxaan ama maraan Ragga ka qeyb qaadanaya Halganka Sida Cabdilqaadir Koosaar iyo qaar kale oo badani,Waqti Imaaraadka iyo Sacuudi Arabia Masaafuriyaan Ciddii lagu tuhmo in ay wax xidhiidh ah la leedahey SNM, Waqti Dadkii loo Masaafuriyey Soomaaliland lagu laayey Berbera, Waqti Dowladaha Carabtu Sacuudiga iyo UAE bixinayeen Kharashii iyo Diyaaradahii Siyaad Barre ka soo kireystey South Africa ee lagu Baa,binayey Reer Soomaaliland, Waqti aynu miciin bidney Ethiopia,
 Haddaba waxa la yaab leh, Dadka reer Soomaaliland ee Maanta inta ay waxaas oo dhan illaaween ku andacoonaya dantayada ayaannu raacney.
Ruux Bukaanka kugu nacey
Adoo baahan kaa tegey
Samo kuma banaanee
Ibrahim Diiriye
London ~ UK