Ogaysiis ku socda dhamaan taagerayaasha xisbiga waddani iyo shacab-weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan HOLLAND.

Axad.18.06.17

waddani logoOgaysiis ku socda dhamaan taagerayaasha xisbiga waddani  iyo shacab-weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan HOLLAND.

Waxa loogu bishaaraynayaa dhamaan taagerayaasha xisbiga Waddani iyo shacab-weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan HOLLAND in maalinta sabtida ah ee bishu tahay 8 July 2017, magaalada Den Haag. Lagu qaban doono xaflad si weyn loo soo agaasimay.

Xafladan oo loogu talagalay xuska sanadguuradii kqwad ee asaaska laanta xisbiga Waddani ee Holland in dardargalinta ama u diyaargarawga doorashada madaxtinimada ee 13 November 2017 ka qabsoomi doonta dalkii insha allaah.

Dhinaca madadaalada waxa xaflada kuugu diyaara fananiin waaweyn oo halkaas kuugu soo bandhigi doona heeso waddani iyo madadaalo ah labadaba.

Xusid : ” Goobta xaflada waxaad ka helaysaa cunto fudud iyo cabitaan qiimo jaban ah.”

Adres goobta xafladu waa:

Wijkvereniging Essesteijn

Elzendreef 10

2272 EB Voorburg

Saacada ay bilaabanayso xafladu waa : 15:00 T/M 24:00

Faldan wixii faafahin ah nagala soo xidhiida:

Xoghayaha Guud :              Maxamed Musa                              Tel. : 0639090689

Xoghayaha Xidhiidhka Bulshada : Fadumo Musa                    Tel. : 0687879207

Xubin golaha dhexe :         Xuseen Barkhad                               Tel. : 0684347794

Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee dalka HOLLAND.

Md. : Xiis Maxamed Cige.