Qayb Kamid Ah Dekedda Berbera Oo Dab Ka Kacay Iyo Ciidamada Booliska Oo Diiday In Gudaha Loo Galo.

Berbera(Salaanmedia.com)_ -Dab ayaa goor dhaweyd fiidkii, bacda afurkii waxaa uu ka kacay qeybo ka mid ah Dekedda magaalada Berbera, waxaana uu dabkani ka bilowdey hal Kontiindher oo sida la sheegay siday AYSIIDH iyo Daawooyin.

19397170_1174109379361092_4886584984767680496_n

Dabkan markii uu bilowdey waxaaa qiiq iyo uuro casi ay isku xidhay guud ahaan jawigii magaalada Berbera taas oo ay bulshadu argagax ku riday.
Balse nasiib wanaah dabkan ayaan ku sii faafin qeybaha kala duwan ee dekedda oo waxaa la xakameeyey cabaar ka dib, waxaana ciidanka Damdamiska dawladda Hoose markii ay goobta yimadeen u suurto gali weyday in ay dabkaasi damiyaan ka dib markii ay ku neef qabimoobeen, balse markii danbe xal u halay.

1-172

Sidoo kale waxaa dabkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha haamaha shidaalka Berbera oo isagu ula soo gurmadey qalabka Damdamiska ee budada ah kaas oo hadda caafimaadkaasa lagula tacaalayo
Dhinca kale ciidamada ammaanka ayaa saxafada u diiday isla markaana ka hor istaagey in gudaha u galaan dekadda.