Gudoomiye/Murashax Muuse Biixi Cabdi Oo tacsi U Diraya Qoyska, Iyo Qaraabada Marxuum Cabdillaahi Maxamed Cawaale (Iskooj)June 19,2017

Gudoomiye/Murashax Muuse Biixi Cabdi Oo tacsi U Diraya Qoyska, Iyo Qaraabada Marxuum Cabdillaahi Maxamed Cawaale (Iskooj)June 19,2017
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Maxamed Cawaale (Iskooj) oo ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Hargeysa caawa oo taariikhdu tahay tahay 19/06/2017.
Marxuum Cabdillaahi Maxamed Cawaale (Iskooj) waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii waawaynaa ee ciidammadii dib-u-xoraynta Somaliland ee SNM oo uu ku jiray raggii ugu hortallaabay, waxaannu door wayn ku lahaa halgankii dalka lagaga xorreeyey nidaamkii dawladdii Kaligii-taliyihii Siyaad Barre, isagoo markii dambena ka qaybgalay hub-ka-dhigistii iyo nabadayntii dadka reer Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Recent Posts
Daawo Ceebta Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Oday Sarkaal Sare Ciidanka Milerriga Ah Somaliland Ku Bahdilay Magaalada Hargeysa
Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland: Bedelidda Magaca Somaliland
Amnesty International condemns high cost of Gulf crisis on human rights for Qatari citizens And beyond…
Talo soo jeedin: Garaad Jaamacoow Khaatumo laba maaha!
Daahfurkii Aakaadamiga Fanka iyo Cilmiga: 2014kii mise 2017kii. Qaybta Labaad!DAAWO:-Guddoomiye Muuse Biixi oo baaq ku aadan Shuban Biyoodka Burco u diray Bulshada Somaliland Iyo Siyabaha Looga Hor Tagi Karo Xanuunkasi May 31, 2017