“Waxaan Ka Soo Horjeeda In La Badalo Magaca Somaliland, Waayo Magacani Waa Tariikhda Ummadan. Ummadani Ilaa Isticimaarkii Waxa Loo Yaqaanay Somaliland”.Cabdikarriim Axmed Mooge June 19, 2017

“Waxaan Ka Soo Horjeeda In La Badalo Magaca Somaliland, Waayo Magacani Waa Tariikhda Ummadan. Ummadani Ilaa Isticimaarkii Waxa Loo Yaqaanay Somaliland”.Cabdikarriim Axmed Mooge
June 19, 2017

mooge
Qodobada Somaliland iyo Khatumo ku heshiiyeen waxa i galay oo macno durugsan ii sameeyay qodobka heshiiska ee in la helo “SOMALILAND LOO WADA-SIMANYAHAY OO KU DHISAN CADAALAD, MAAMUL WANAAG, DHAWRISTA XUQUUQAL ISAANKA OO KU DHISAN DIINTA ISLAAMKA OO MUWADINIINTEEDU MIDNA KU AHAYN MARTI EE AY U WADA SIMANYIHIIN”
Waa inta aanu ku baaqno ee aanu aminsanahay in ay Somaliland ku waari karto oo ku jiri karto marka intaa la helo ayay Somaliland inoo quruxbadnaanaysaa runtiina waa qodob ay reer khatumo u yidhaahdeen dhamaan ummada Somaliland oo dhan. Waan aminsanahay in ilaa la helo intaas kor xusan ee ha samaato oo hala helo!
Waxaanse ka soo horjeeda in la badalo magaca Somaliland, waayo magacani waa tariikhda ummadan. Ummadani ilaa isticimaarkii waxa loo yaqaanay Somaliland, xoriyada waxay ku qaadatey Somaliland, waxay Somalia la midowday iyada oo Somaliland ah, waxay dawlad ku tahay magac Somaliland mudo 26sano ah, xiliyadaa ay Somaliland soo martey iyo wixii laga qoray waxay aduunku ku yalaan oo lagu yaqaana magaca Somaliland, xitaa google oo ah barta ugu balaadhan ee laga helo hadii aad xog ama maclumaad u baahato marka aad ku qorto Somaliland waxa ku soo baxaya dhamaan tariikhda Somaliland iyo wixii laga qoray!
In magaca Somaliland la badalaa ma’aha wax sahlan waxaanan kow ka ahay kuwa ka soo horjeeda waayo ummadani ma awoodo in ay hadana 57 sano oo kale aduunka barto magac kale oo aduunku ku cusub oo dhako-faar ku rida! waana halis weyn hadii tan la sameeyo ka hor Somaliland oon aqoonsi ka helin aduunka!! lakiin waa arin laga baaran-degi karo hadii Somaliland la aqoonsado waayo qaramo badan ayaa magacooda badala lakiin waa qaramo marka hore la aqoonsan yahay oo maabka aduunka ku jira.
Macnaha ka danbeeya xitaa maan garan ee reer Khaatumo u doonayaan in magaca la badalo waayo Somaliland waa lawada-lahaa oo reer Sool waxay ka mid ahayeen Somalilandtii ingiriisku guumaysan jiray sidaas baanay Somaliland ku tahay magac ka dhexeeya dhamaan ummada Somaliland.
mog
Cabdikarriim Axmed Mooge Liibaan