Daawo Masuuliyiinta Dekedda Berbera oo ka Warbixiyey Qasaaraha qayb Dekedda ka mid ah oo Saacado Gubanaysay19.06.17

Berbera, (SM) —Maamulka Dekedda Berbera, Masuuliyiinta Waaxyaha qaarkood iyo Madaxda gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay ku guulaysteen deminta Dab qabsaday qaybta Koonteennarrada ee Dekedda Berbera, kaas oo ay sheegeen in bakhtiintiisa lagu guulaystay muddo saddex saacadood iyo dheeraad ku siman oo ay qaybtaasi gubanaysay ka dib.

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, Maareeyaha Faraca Badda ee Dekedda iyo Xubno kale oo Shir Jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Berbera markii lagu guulaystay bakhtiinta Dabkaas ka dib, ayaa ka warbixiyey xogta ay illaa hadda hayaan ee keentay Dabkaas, qaabka ay ugu guulaysteen deminta Dabkaas iyo Baadhitaanka socda.


Salaanmedia/Berbera