Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Saaray Jadwalka Ololaha Doorashada Madaxtooyada Iyo Sida Ay Xisbiyadu U Kala Horeeyaan June 19, 2017

Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Saaray Jadwalka Ololaha Doorashada Madaxtooyada Iyo Sida Ay Xisbiyadu U Kala Horeeyaan

June 19, 2017 Hargaysa (SM) –Guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa maanta kulan xafiiskooda ay kula qaateen masuuliyiinta xisbiyada Qaranka ee WADDANI,UCID iyo KUlMIYE waxay ku shaaciyeen habka ay u kala horeynayaan saddexda xisbi qaran wakhtiga Ololaha doorashada.
Guddiga Komishanka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay si cad u shaaciyeen jadwalka Ololaha doorashada,Magacyadooda iyo waliba astaamaha lagu daabacayo waraaqaha codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland.
Shabakada wararka Ramaasnews oo khadka telefoonka kula xidhiidhay  Saciid Sheekeeye oo kamid ah guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland si ay wax uga waydiiso warsaxaafadeedka kasoo baxay guddiga Komishanka ayaa waxa uu noo xaqiijiyey in guddiga Komishanku ay soo saareen.
Habka ay saddexda xisbi u kala horeeyaan ayaa waxa ugu horeeya xisbiga UCID,waxa ku xiga KULMIYE waxaana ugu danbeeya xisbiga WADDANI.
Warqadan oo nuqul kamid ay soo gaadhay Ramaasnews ayaa waxa ku saxeexnaa gudoomiyaha guddiga Komishanka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame,waxaana sidoo kale ku saxeexnaa gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Aw-jirde,waxaana ay u dhignayd sida tan.
d