Xisbiga WADDANI oo Si Mug-weyn uga Hadlay Qiimaha ay Somaliland u Lee Dahay Taariikhda 26ka Juun Monday June 26, 2017 –

Xisbiga WADDANI oo Si Mug-weyn uga Hadlay Qiimaha ay Somaliland u Lee Dahay Taariikhda 26ka Juun
Monday June 26, 2017 –

Hargeysa(SM):-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si weyn uga hadlay qiimaha ay lee dahay maalintii xornimada iyo madaxbanaanida laga qaatey guumeystahii Ingiriiska ee 26ka Juun 1960kii, waxaana ay sheegeen in maalintaasi aanay ahayn maalin fudud oo si hawl yar uu ku gaadhay qaranku balse loo soo maray dhibbaato badan oo naf hurid leh.
Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbigaasi oo bartiisa Internetka ee Facebook ga ku baahiyey qoraal kooban oo aanu ka soo xiganay, ayaa waxa uu si qiiro leh uu uga ga hadlay qiimaha ay lee dahay maalintani isaga oo ka murugooday heerka uu maraayo qarankii wakhtigaas loo soo dagaalay oo uu sheegay in uu hagaasay isla mar ahaantaana ay dayaceen dadkii lahaa, waxaana uu guud ahaan shacabka Somaliland uu ku guubaabiyey in fadhiga laga kaco oo laga wada shaqeeyo siddii qarankan loo gaadhsiin lahaa dunida horumartay ee aduunka.
“Somaliland 26kii Juun bay dhalatay, 57sanno ayaana aynu ka joognaa, qaran 60jir ah oo qabyadiisu badan tahay, qolo qolo u kala qoqoban, qeynuunku uu liito, qeyrkii ka hadhay, Ahey ah, mayee dhallintii u dhalatay dhulkan, maye aqoonyahankii ku abtirsanaayey, maye kuwii ka dhiidhiyey gumeystihii kuway dhalay aaway, maanta waxa ina la gudboon in aynu u hiilino qarankaa hagaasay oo aynu ka rumeyno riyadii raggii iyo dumarkii dalkan u halgamay si uu faciisa u raaco, iyagu toodii bay ka soo baxeen laakiin waxa gabey jiilashii ka dambeeyey.”.Ayuu yidhi Cabdillaahi Daamur

Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:-“Maxaa heesiyo hawraar la tiriyey, maxaa hawl adag iyo nafta loo huray, maxaa hagar-daamo iyo huq iyo ciil lo soo maray in anu xorowno. 26ka Juun 1960kii hawl fudud oo hawl yari ku mey ahayn, hanti badan iyo hawl badan bey u ku bixiyeen halgamayaashii. Hiilkoodu wuxu yahay ineynu hawl adag qarankan u qabano si uu quruumaha u raaco qarankan hada hagaasay. “.Daawo Muqaal:Cabdilahi Daamur oo ka Tirsan Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Wasiirka Caafimaadku Aanu u Madax Bannaanayn Shaqadiisa.03.06.17

Salaanmedia/Hargaysa