Dhacdo Khatar Ku Ah Doorashada: Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Xabsiga Dhigey Guddoomiyahii Xisbiga KULMIYE ee Gobalka Selal iyo Saddex Sarkaal oo Kale oo Urursadey Kaadhadhkii Codbixinta Doorashada

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay xildhibbaan Axmed Muxumed Barkhadle oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Seylac sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobalka Selal ka dib markii isaga iyo saddex sarkaal oo kale ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ku soo eedeeyeen in ay si qarsoodi ah u kala iibsadeen kaadhadh kuwa cod-bixinta ah oo dadkii lahaa ay maqnaayeen wakhtigii ay halkaas ka socotay qaadashada kaadhka codbixinta Doorashada Somaliland.

00000000000000000000000000000000000000-1-150x150

Illaa hada ma jiro war amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in xildhibbaankan ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobalka Salel iyo saddexda sarkaal ee kale ba ay ku xidhan yihiin xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, waxaana la soo sheegay in isaga iyo saddexda sarkaal ee kale ee ka tirsanaa Komishanka Doorashooyinku ay kala iibsadeen tiro aan illaa hada la garaneyn oo ah kaadhadh cod-bixineed taasi oo fadeexad weyn ku noqotay Xisbiga KULMIYE iyo weli ba Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Arrintan oo ahayd mid huursan oo aanay cid la soconin, ayaa dibadda u soo qaraxday ka dib markii Xildhibbaankan oo ka mid ahaa xildhibbaanadii ridey Maayirka lagu muransan yahay ee magaalada Seylac ay sirtiisan qarxiyeen qaar ka mid ah xildhibbaanada ay iska soo horjeedeen ee taageersanaa Maayirka la ridey, waxaana ay fadeexadan qaraxday sababtay in xabsiga loo taxaabo mas’uulkan iyo weli ba saddexda sarkaal ee ka tirsan Komishanka Doorashooyinka.
Wararka kale ee aanu helayno, ayaa iyagu na sheegaya in mas’uulkan iyo Xisbiga KULMIYE ba ay markii hore isku mawqif ka ahaayeen fadeexaddan musuqmaasuq balse ay Xukuumadda iyo Xisbigiisa ku kala aragti duwanaadeen ridista Maayirka Seylac oo uu isagu si aada uga soo horjeeday taasi loo maleynaayo in Xukuumaddu ay cadaadis uga dhigeyso arrintan balse waxa ay wax walba kala cadaan doonaan talaabada ay qaadaan iyo sida ay Komishanka Doorashooyinku u la dhaqmaan mas’uuliyiintan loo heysto musuqmaasuqa ay ku sameeyeen Kaadhadhka codbixinta Doorashada.