Somaliland Peace and Natural-Resources-protection-group.oo u diraaya baaq nabadeed beelaha wallaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray degaanka Ceel afweyn ee gobolka Sanaag 24th Jul, 2017

 download

Hadaanu nahay Somaliland Peace and Natural-Resources-protection-group, waxaanu halkan Baaq Nabadeed uga diraynaa Beelaha wallaalaha ah ee dagaaladu ku dhexmareen deegaanada ceel afweyn
waxaanu leenahay oo ka codsanaynaa in ay joojiyaan collaadada iyo dagaalka. oo ay ergada u soo gurmatay maqlaan
waxaanu ugu baaqaynaa wax garadka somaliland iyo cidii kale ee gacan ka gaysan kartaba dawlad iyo shiciba in loo gurmado dadkaas wallaaleheen ah ee dhibtu ka dhex dhacday oo la joojiyo collaadaha.
Waxaanu ugu baaqaynaa dadweynaha Somaliland in ay gacanta midig iyo tabidixba isugu geeyaan nabadgelyada
waxaanu xasuusinaynaa shacabka Somaliland nabad gelyada ay haystaan maanta wixii loo soo maray
taas oo aynu kaga duwan nahay jiiraankeen dabka iyo colaadu ka holcayso
waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada somaliland iyadoo kaashanaysa wax garadka in ay la timaado qorshe nabadgelyada iyo wallaalaynta shacabka wax laga qabanaayo
waxaanu ugu Baaqaynaa xisbiyada Mucaaridka ah in ay xukuumada iyo wax garadka kalla qayb qaataan illaalinta nabadgelyada Somaliland oo laga fogaado wax alla wixii wax u dhimi kara nabada iyo wallaalnimada shacabka Somaliland .
wabillaahi tawfiiq
Af hayeenka
Somaliland Peace and Natural-Resources-protection-group
qodax