Xuquuqda shaqaalaha (wistleblowing). Si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha soo sheega xad gudub uu maamul ku kacay, sida musuq maasaq, waa in uu xuquuq leeyahay shaqaaluhu iyo in uu kalsooni u hayo in uu sharciga wadanku ka ilaalinaayo in xuquuqdiisa lagu xad gudbo, sida in shaqada si xaq darro ah looga eryo, ama shaqada lagu cadaadiyo, maadama uu soo sheegay khaladaad ka socda xafiiska shaqada.

MaqaalSi loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha soo sheega xad gudub uu maamul ku kacay, sida musuq maasaq, waa in uu xuquuq leeyahay shaqaaluhu iyo in uu kalsooni u hayo in uu sharciga wadanku ka ilaalinaayo in xuquuqdiisa lagu xad gudbo, sida in shaqada si xaq darro ah looga eryo, ama shaqada lagu cadaadiyo, maadama uu soo sheegay khaladaad ka socda xafiiska shaqada.

Hadaba waxa mudan in la xuso, in ay macquul tahay arrinta la soo sheegayo oo ay ku jirto danta bulshadu, oo aanay ahayn arrin laba shakhsi isku haystaan am arrimo laba shakhsi ka daxeeya.

Arrimaha la horkeenayo maxkamada ee ku sahabsa boob ama dhac hanti umadeed, waa in ay dhawr qodob buuxiyaan, ee hoos ku xusan.

· In sharciga la jabiayay, ama jabintiisu ay socoto iyo in ay macquul tahay ama in ay u eegtahay in sharciga la jabin doono (Sida in hab loo samaynayo, ama dadaal loogu jiro in la dhigo kaarto wax lagu dhaco).

· Shakhsi, ama madax, ama shaqaale ha ahaado, in ay macquul tahay in uu ku xadgudbo sharciyada iyo xuquuqda shaqada loo igmaday.

· Macluumaad ku sahabsan sharciga oo khalad loogu dhaqmo, ama in si kadis ah loo jabiyo sharciyada shaqaalaha iyo habka loo shaqaynayo.

Tusaale ahaan, nin magaciisa aynu u bixinayno MR X oo shaqaale sare ah, kana masuul ah qayb ka mid ah haayada shaqaalah. Mr X waxa uu ku qanci waayay habka loo maamulayo haayada shaqaalaha oo isbedel lagu sameeyay. Mr X waxa uu shaki ka qabay habka isbedelay in uu mugdi iyo mad madow uu galinaayo habka shaqaalaha loogu qaybiyo mushaharka ku salaysan faiidada ka soo baxda shaqada (bonus).

MR X waxa uu aaminsanaa in ay madaxda haayada shaqaaluhu kaarto u dhigeen, sidee looga yarayn lahaa lacgta la siiyo shaqaalaha hoose, oo ay iyagu lacgtaa uuga faaidi lahaayeen. Maadama aanu ku qanacsanayn isbedelka uuna muujiyay in ay xaqdarro ka muuqato bedelka cusub, dacwad ayuu u gudbiyay xafiiska shaqaalaha uu qaabilsan dacwadaha.

Xafiiskii dacwadu markii uu kiiskii daraasadeeyay, waxa ay goaan ku gaadheen in Mr X uu fadeexad wado oo shaqada lage eryo, maadama aanay xaqiiq ahayn dacwada uu ka gudbiayay madaxda haayada shaqaalaha. MR X muu cadayn karayn in ay shaqaalaha ay lacagtu ka yaraanayso, maadama oo kaartadaii uun la dhigay, laakin aan la fulinin.

MR X haayada shaqaalaha xukunkii ka soo baxay racfaan ayuu ka qaatay oo maxkamada shaqaalaha ayuu ula tagay dacwadiisi. Maxkamadii markii ay baadhay arrinkii, waxa ay soo xaqiisay in MR X uu ku saxsanaa dacwadii uu ka gudbiyay madaxda haayada shaqaalaha oo si badheedh ah kaarto u dhigay sidii ay mushaharkooda u kordhisan lahaayen, mushaharka shaqaalahana u yarayn lahaayeen. Taas oo cadaatay in ay xad gudub ku tahay xuquuqda shaqaalaha.

Maxkamadu waxa ay soo xaqiijisay in ay arrintaasi ilaa 100 qof saamayn lahyd oo ay tahay danta bulshada in talaabo laga qaado madaxda haayada shaqaalaha oo u tashatay in ay bulshada ku xadgudbaa.

Muhiimadu waxa ay ku jirtaa, in dacwada la gudbinayaa ay noqoto mid macquul ah, bulshada danteedu ku jirto iyo in uu xad gudub sharci jiro ama kaartadii lagu jabin lahaa la cadayn karo. Arrinta kale waxa weeye in la ilaaliyo xuquuda shakhsiga soo sheega xadgubub uu arkay ama uu tuhmay oo uu cadayn u hayo.

Suaashu waxa weeye, sharciyada xuquuqda shaqaalaha ee sharci u siinaya in uu shaqaaluhu soo sheego hadii uu arko ama uu tuhmo in sharciga la jabinaayo ama in hantida bulshada ama shakhsiba la boobayo ama la dhacaayo. Iyo in uu sharcigaasi ilaalinaayo xuquuqda qofka soo sheega arrimahaa.

Sharciga shaqaalaha oo ka kooban kuna eekayan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha dhamaatood iyo shaqaalaha soo sheega khaladaadka.

Ahmed miino

London

WBT.

UK