BAAQ NABADEED OO AY WADAJIR U SOO SAAREEN JAALIYADDA REER ADHICADEEYE EE U.K

BAAQ NABADEED OO AY WADAJIR U SOO SAAREEN JAALIYADDA REER ADHICADEEYE EE U.K.BAAQ

Isniin.25.07.17(SM)Waxaa bishan July 4dii 2017 shir wada jir ah ku kulmay Beesh reer Fiqishini iyo Beesha reer Cilmi Naaleeye oo kazoo wada jeeda degaanka Adhicadeeye. Aqoon yahankii iyo odayaashii kulanka isagu yimi waxay kawada hadleen qodobada hoos ku qoran.

  1. Nabadagelyada degmada iyo degaanka
  2. Maamul u samaynta degmada Adhicadeeye
  3. Horumarinta degmada iyo degaanka

Waxay qurba joogta labada beelood isku afgarteen:

  1. in dhamaan gudaha iyo debeddaba laga wada shaqeeyo nabad gelyada degmada iyo degaanka si loo helo nabadgelyo waarta iyo wada jir
  2. in degaanka loo sameeyo maamul  labada beeloo wada dhistaan kuna salaysan caddaaladiyo kala danbayn.
  3. In labada beelood si wada jir ah xil isaga saaraan ilaalinta,dhawridda iyo horumarinta degaan daaqsimeedka
  4. In labada beelood deg deg isaga kaashadaa soo afjaridda shiqaaqooyin iyo waxkasta oo khalkhal gelinaya nabada
  5. In labada beeloo si deg deg ah u bixiyaan dhamaan magaha ,dhaawacyada laysku leeyahay iyo wixii laxidhiidha loona diyaar ahaado sidii looga hortegi lahaa inay soo noqota wixii hore u dhacay oo kale.
  6. In labada beelood ku dhaqmaan iskuna ilaaliyaan xeerna ka dhigtaan iyo waxay ku kala baxaan shareecadda islaamka
  1. In labada beelood yeeshan gudi labada beelood ka kooban oo masuuliyadoodu tahay isku xidhka, xal raadinta, wada shaqaynta iyo wada tashiga labada beelood
  2. In labada beelood laga daayo faragelinta oo meel uga soo wada jeestaan maamulka, nabada iyo hurumarka degmadooda iyo dagaankoodaba

Waxaa kulanka labada beelood uga qayb galay:

Beesha  Fiqishini:

  1. Eng Mohamoud Husein Jabaake
  2. Eng Ali Daahir Qadey
  3. Ahmed Abdikarim Jama
  4. Jama A/llahi Aw-Hasan
  5. Ahmed Farah Weyrax Qoorgaab

Beesha Reer Cilmi Naaleeye

  1. Axmed geeleh
  2. A/Naasir Ali Shube
  3. Jibriil Maxamed Saalax
  4. ALI Xaaji Abdi
  5. Moxamed Saalax Warsame