Muxuu Ka Yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal In Xukuumaddu Iibisay Xafiiskii Gobolka Ee Uu Ku Jiray?26.07.17

Muxuu Ka Yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal In Xukuumaddu Iibisay Xafiiskii Gobolka Ee Uu Ku Jiray?26.07.17Shiine
Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xukuumadda Somaliland iibisay xafiiskiisii gobolka Awdal,waxaana u sheegay in wax isaga khuseeya hadda aanay ahayn ee arrintan iibka xafiiska ay isaga ka horeysay,ilaa haddana aanay ka guurin ee ay ku jiraan.
Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine oo uu wargeyska Geeska Afrika wax ka waydiiyey arrintan ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay xaq u leedahay inay iibiso xafiiskan si ay u dhisto xafiis qurux badan,waxaana uu yidhi.
“Waan maqlay laakiinn wax aniga iga horeeyey ayuu ka hadlayaa,wax aniga hadda I khuseeya maaha ee badhasaabkii iga horeeyey ayaa la waydiin kara,xafiiska la yidhi waa la iibiyeyna waanu ku jirnaa,lakiin dawladu xaq bay u leedahay inay iibiso xafiisyada hadii ay galayso mid ka fiica”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo gaabsaday badhasaab Mustafe Shiine.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Geeska