DAAWO: “Illaa Ay Dawladdu Gacan Adag Ku Qabato (Ceel-Afweyn) Ciddina Tagimeyso…..” Guddoomiyaha Guurtida Oo Siweyn Uga Dayriyay Xaaladda Nabad-galiyo Ee Degmada Ceel-Afweyn

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa siweyn uga dayriyay xaalada nabad-galiyo ee degmada Ceel-Afweyn, waxaanu sheegay in aan la tagi karin oo gudidii loo saaran xalinta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday ay ka maagtay, waxanu xusay ilaa ay dawladu goobtaasi gacan bira ku qabato inaan la tagi karin lagana yaabo ilaa sabtida in leysla eego tagista degmadaasi.
“Xaalada xagaasina wali diyaar maaha ilaa gacan adag ay dawladu ku qabatana cidina tagimeyso dawladuna waa ay codsatay, dhawaaqoodana warbaahinta waad ka maqleyseen xagan dawladana waxaan rajeynayaa saka inay diyaar yihiin wixii lagu tagi lahaa sabtida hadii Illaahey ka dhigoo unbaa markaa aynu eegi doonaa”