Deg Deg ]:- Xildhibaan Reer Saaxil Ah Oo Baashe Morgan Ugu Hanjabey In Xabsi Ku Danbeyn Doono , Sheegayna In Madaxweyne Siilanyo Aanu Dalka Ka Talin Iyo Cida Ka Talisa +[Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa
waxaa uu wiilka madaxweyne Siilanyo sodoga u yahay ee Baashe Morgan ku eedeyey in uu dalka ka sameeyey musuq maasuq iyo boobkii ugu weynaa

Xildhibaanka ayaa Baashe Morgan ugu hanjabey in uu jeelka ku danbeyn doono hadii dalka ay ka dhalato dawlad cadaalad ahi

Walahi jeel baad ku danben doontaa Baashe Morganow hadii ay dalka dawlad cadaalad ahi ka dhalaro ” ayuu yidhi

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ayaa cadeeyey in aanu dalka ka talinin madaxweye Siilanyo ee ay ka taliyaan dad magaciisa iyo shaanbadiisa isticmaala isla markaana waxaa uu ugu baaqay in inta ka hadhsan muddo xileedkiisa uu talada dalka ku wareejiyo madaxweyne ku xigeenka oo uu iska tago meesha