Marwo Qadan Hoodo Oo Loo Magacaabay La-Taliyaha Guddoomiye Cirro Ee Arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga.Khamiis 27.07.17

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa magacaabay La-taliyaha guddoomiyaha xisbiga ee arrimaha ganac siga iyo maalgashiga, inay noqoto Marwo Qadan-hoodo Mxamed Cismaan.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), kaas oo u dhignaa sidan:-

qadan-hoodo-150x150

REF/XIS/WAD/XDH/2465/2017 24 July, 2017
KU: Qadan-hoodo Maxamed Cismaan Hargeysa
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee KMG Hargeysa
Ujeedo: Magacaabis Xil
Markaan Darsay: Qodobka 30aad farqaddiisa 8aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
Markaan arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilalkan.
Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI
Markaan ku qancay: kartida iyo aqoonta ay leeyihiin
Maanta oo ay taariikhdu tahay 24 July, 2017 waxaan u magacaabay Marwo, Qadan-hoodo Maxamed Cismaan inay noqoto La-taliyaha guddoomiyaha Xisbiga ee arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Waxaan Illaahay ka baryeynaa inay ku soo kordhiso xisbiga Waddani fikrado wax-ku-ool ah iyo inay ku soo biirin-doonto waayo-aragnmadeeda iyo khibradeeda u gaarka ah.
ALLAA MAHAD LEH
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro),
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI