[DAAWO:-]Qoor-weynta Beesha Makaahiil Dheere ee Samaroon oo Cod Dheer Ku Muujiyey Taageeraddooda Xisbiga WADDANI+ Durey Dad Hore Magaca Beesha uga Faafiyey Warar Ku Tiri Ku Teen ah.

Hargeysa(SM):-Kulan aad u ballaadhan oo ay iskugu yimaadeen gebi ahaan ba Cuqaasha, Madax-dhaqameedka, Wax-garadka, Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka ka soo jeeda beelaha Makaahiil Dheere ee Gudabiirsi, ayaa maanta cod dheer ku sheegay in taageersan yihiin Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana waxa ay meesha ka saareen dad ku shaqeysanaayey magaca beeshaasi oo dhawaan sheegay in ay taageereen Xisbiga KULMIYE.
Kulankan oo maanta ka dhacay magaalada Boorama, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Caaqil Xaaji Cali Gurguurte, Caaqil Cabdi Gabilay, Caaqil Cali Axmed Xaaji, Caaqil Cabdi Cumar Xuseyn, Caaqi Alaale Xuseen Rooble, Caaqil Mahdi Ismaaciil Jirde, Caaqil Maxamed Cali Kheyre, Caaqil Xasan Muuse Kooreeye, Caaqil, Caaqil Cabdillaahi Muuse Furre, Caaqil Cumar Geedi Faahiye, Caaqil Axmed Cabdillaah(Lixle). Maxamed Haayir Axmed, Heebaan Cawaale, Abuubakar Jixsin, Cabdirisaaq Abaadir, Mahadi Sheekh Aadan, Muuse Maydhane iyo weli ba Wax-garad, Aqoonyahan iyo dhallinyaro kale oo aad u tira badan.
Qaar ka mid ah odeyadii halkaas ka hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa hadaladoodii:- “Halkan waxa aanu kaga hadli doonaa hadal ka soo baxay dad aanan garaneyn oo aan arrimaha beelaha la soconin, waxaanay Soomaalidu tidhaahdaa nin ba tima xamar, raggaas waxa aan u maleynayaa in ayna la socinin beesha Makaahiil dheere oo Ugaas iyo Abokor ba ah, anagu waxa aanu nahay beelaha Makaahiil, guddidoodii na illaa 7 ka mid ah baa shirkan fadhiya, waxa aanu nahay guddida dalka iyo dibadda xidhiidhisa ee Makaahiil weyne, markaa waxa aanu ka hadlaynaa maanta in hadalkii qoladaa ka soo baxay aanu waxba ka jirin ama Makaahiil ha ahaadaan ama umadda Soomaaliyeed ee kale ba ha ahaadaane, maanta marka la eego Xisbiga dalka haysta wax Alle wax ay ka yihiin ba ma jiraan , markaa waxa aanu lee nahay dalku isbedel buu u baahan yahay, dalka iyo dibadda na waxa aan u sheegayaa haddii la doorto Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed Cali dalku waxa uu helayaa aqoonsi buuxa.”.
Caaqil Alaale Xuseen Rooble oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi:-“Wadanka waa la wada lee yahay, beeshana waxa ay isku raacday in ay tahay WADDANI, waana fikirkooda ee in loo diido na maaha, qaar ka mid ah na in la cabudhiyo oo hanjabaado loo jeediyaana ma soconeyso wadanka waa la wada lee yahay, markaa anagu waa aanu lee nahay waar KULMIYOOW inta aad xukunka haysaan dadka xadhiga ka daaya.”.
Caaqil Cabdi Cumar Xuseyn oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Maanta halkan anaga oo beesha ah oo idil waxa aanu iskugu nimi in aanu cadeyno in aanu taageerayaal u nahay Xisbiga WADDANI oo weli ba beesha Makaahiil dheere iyada oo mideysan ay sidaas ku tahay oo aanay waxba ka maqneyn, dad baa yidhaahda Makaahiil dheere mid ba meel buu ka baxay waar waxa aan idin lee yahay, waxaas waxba kama jiraan, Makaahiil dheere na mid weeyaan haddii uu dhallinyar yahay, haddii uu culimo yahay, hadduu suldaan yahay, hadduu caaqil yahay ba dhammaantood waa wada WADDANI oo Xisbigaas baanu u mideysan nahay.”.
 
Salaanmedia/Hargaysa