Xisbiga WADDANI, waxa uu xalay casho sharafeed uu u sameeyey Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Qurbaha oo qaar ka mid ahi ku sugan yihiin dalka.
Xisbigu, wuxu qirsan yahay kaalinta muuqata ee Qurba-joogtu ku lee yihiin hawlaha Xisbiga iyaga oo u ah mishiinka koowaad ee dhaqaajiya isla mar ahaantaana aan marnaba la hilmaami karin taageerada dhaqaale ee ay Xisbiga siiyaan, waxaana kulankan si weyn looggu boggaadiyey guud ahaan taageerayaasha qurba-joogta ee WADDANI oo la isku raacay in ay yihiin taageerayaal u heelan dhalinta guusha Doorashada.
Kulankan, waxa sida oo kale Xisbiga kala soo qeyb-gashay safiirada dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland.