Maxaad Kala Socotaa Masuuliyiinta Degan Villa Soomaaliya Ee Laga Saarayo {AKHRISO MAGACYADOODA} August 12, 2017

Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray in Xafiisyadda Dawladda ee dhex dagan Madaxtooyo iyo Siyaasiyiinta halkaasi daganaa inay uga guuraan Muddo 14 Cisho ah, taasoo ku eg 19 ka Bishan, maadaama Warqadda uu saxiixay 5 August.

AKHRISO: Agaasime Fahad Yaasiin Oo Ku Amray Wasaaradaha Iyo Hay’adah Dowlada Inay Ka Guuraan Villa Soomaaliya.

HADDABA WAA KUWEE MASUULIYIINTA LAGA SAARAYO MADAXTOOYO,?

IMG_9644

Xuseen Carab Ciise: Xildhibaan ahna Raiisul Wasaare Ku Xigeenkii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xilligii Sh Shariif.
C/wahaab Ugaas Khaliif: Raiisul Wasaare Ku Xigeen Hore.
C/samad Macalin Maxamuud: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.
C/laahi Goodax Barre: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore.
Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha Ahlusunna.
Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.
Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.
Sahro Samatar: Wasiir Hore.
Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha.
Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).
Xuseen Damuumaaye: Sarkaal Sirdoon oo Ethiopia ku xiran.
XAFIISYADDA LA AMRAY INAY GUURAAN.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Wasaaradda Gaashaandhiga.
Wasaaradda Maaliyada.
Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.
Xisaabiyaha Guud.
Garyaraanka Guud.
Gudiga Xuduudaha ee Baarlamaanka.
Gudiga Doorashooyinka Qaran.
Isbitaalka Imaaraadka.
Xabsiga Ciidanka Madaxtooyo.