SIYAASIGA BARIGA SOMALILAND.Khabiir Cabdiqani Ismaaciil Maxamed Foodcade oo la filayo in uu WADANI ku biiro

Sabti 12.08.17(SM)SIYAASIGA BARIGA SOMALILAND
=========================#Halyay_Qaran
IMG_9727Khabiir Cabdiqani Ismaaciil Maxamed Foodcade oo la filayo in uu WADANI ku biiro

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka wayn leh dalka oo la filayo in uu dhawaan ku biiro xisbiga WADANI, siyaasigan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ku dhex kacaamay xusbiga talada haya ee Kulmiye muddo dhowr iyo toban sano ahna ka mid ahaa xilal badana kasoo qabtay laakiin markii ugu dambeynseyna ahaa xoghayaha duulista xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid iyo tiro siyaasiyiin ah oo uu hogaaminayo oo la filayo in ay dhawaan ku biiraan xisbiga WADANI

Hadaba waa kuma Cabdiqani
Ismaaciil Maxamed Foodcade????????????
Waa khabiir arimaha amaanka iyo siyaasada Bariga Africa aduunku wax ka waydiiyo
Waa taariikh yahan raad raaca taariikhda aduunyada iyo raadinta xogta daahsoon hada waa la taliye dhinaca amaanka mid ka mid ah hay,adaha qaramada midoobey siyaasigaan oo kasoo jeeda beesha bariga BURCO ayaa wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta sida dhow ugu xidhan haldoorka beeshaas sida, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo siyaasiyiinta beeshaasba.
Waa siyaasi ay isku xidhanyihiin dhamaan hormoodka SOMALILAND ee dhamaan gobolada dalka oo dhan bari iyo galbeed sida, dhalinyarada, aqoonyahanka, hogaanka dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha bulshada waxaana loogu yeedhaan hogaamiyaha Ruuxiga ah

Siyaasigani wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka tirada yar ee iyaga oon xil hayn habeen iyo maalinba usoo jeeda difaaca dalkooda hooyo iyo ilaalinta qaranimada Jamhuuriyada SOMALILAND.

Wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadkii la dirirey barnaamijkii Turkiga ee loo bixiyey barnaamijka isdhexgalka bulshada somaliyeed oo ah mid ku lidi ah qaranimada Jamhuuriyada SOMALILAND
Sidookale waa xoghayaha arimaha dibada u qaabilsan ururka wadaniga ah ee Gaadh Qaran oo ah urur u taagan ilaalinta difaaca qaranimada SOMALILAND kaas oo ay ku bahoobeen khubaro iyo aqoon yahaniin reer SOMALILAND ah oo ay macquul tahay in ay dhamaan tood iyaguna hada WADANI kusoo biiraan waxaa la rajaynayaa in xisbiga WADANI uu u magacaabo Cabdiqani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde) xoghayaha sirdoonka Ee xisbiga Wadani ama taliyaha sirdoonka qaranka hadii uu xisbigu talada dalka ku guuleysto.

Siyaasigan dadka siyaasada ka faalodaa waxay ku tilmaameen in uu yahay siyaasiga tusbax furmay ka dhigi doona jeegaanta xisbiga Kulmiye, giraanta xisbiga WADANI dhisi doona.

Wabilaahi towfiiq
By.xildhibaanka Qaranka